Tartanka Shirkaddaha Taleefanadda Oo Isu Bedelay Nooc Cusub

0
684

Shirkaddaha taleefanada ee Sam sung iyo  Hawaawi ayaa tartan cusubi ka dhex bilaabmay, iyaga oo hore ugu tartamaayey suuqyada wax soo saarta ee caalamka, sidoo kalena isla gaadhey heer ay awood  dawladdeed isu adeegsadaan, waxa ay shirkaddahani waqtigan ku tartamayaan Kamaraddaha Mobile-lada ay hadda soo saaraan ku yaala oo ay isu tirsanayaan.

Shirkadda Sam Sung ayaa soo saartay taleefan cusub oo leh saddex kamaradood, kuwaas oo saddexduba ku yaala dhabarka dambe ee Mobile-ka , waxaanay shirkaddu bishii ina dhaaftay soo bandhigtay taleefankeeda Galaxy I7 oo ay ku dartay saddexdaas Kamaradood oo kaga yaalla xaga dambe, iyada oo shirkadda Hawaawina hore usoo saartay taleefankeeda P20 Pro  oo isna dhabarka dambe ku leh saddex kamaradood, waxaanu sidaas ku noqday bishii hore taleefanka Shirkadda Shiinaha ee Hawaawi taleefanka keliyaata ee dhabarka ku leh saddex kamaradood ee bishaas soo baxa.

Sidoo kale  Shirkadda Sam Sung ayaa markale suuqa soo gelisay taleefankeeda Galaxy I7 oo xaga dambe ee dhabarka ku leh afar kamaradood oo is hoos yaalla, kuwaas oo si weyn usoo jiitay indhaha macaamiisheeda, waxa iyaduna intaas oo dhan ka badisay shirkadda Nokia oo soo saartay taleefan kale oo isna leh shan kamaradood oo dhabarka kaga yaalla taleefanadeeda mid kamid ah oo suuqyada Mobile-lada ku cusub.

Haddaba Waa Maxay Sababta Shirkaddaha ku kaliftay in ay tartankan galaan?

Ma aha ujeedada kamaradahan badan ee Mobile ka lagu soo samaynayaa in ay ku tartamaan oo keliyaata dhinaca Sawiradda iyo muqaaladda ee waxa iyagana ay hagaajiyeen habka sawirka iyo nooca uu u ekaanaayo, kuwaas oo ay dadku inta badan ku kala xushaan taleefanadda gacanta ee ay isticmaalaan iyo sidoo kale inta uu le’eg yahay xajmiga taleefankaasi culays ahaan iyo dherer ahaanba, waxa isna jira oo ay dadku ku kala dooranayaan noocyada sawiradda uu qaadaayo taleefankaas, waxaana suuqyadooda kor u qaada inta badan dadka sawiradda qaada.

Taleefanadii hore ee la soo isticmaali jiray waxa awooda la saari jiray kamarada kowaad ee taleefankaasi oo awood badan lahayd , sidoo kalena la isugu geyn jiray awooda ah in uu qurux bato sawirka ay qaadaysaa,iyada oo lagu qaadi jiray sawiro dabiici ah iyo sidoo kalena xaaladdo iska caadi ah , iyada oo sawirkaasi la qaaday uu noqon jiray mid qurux badan.

Taleefanka labaada kamaradood leh oo ahaa nooci labaad ee soo baxa, waxa uu ahaa mid ay ku gulaysteen dadka farsamayaqaanada ah ee sameeyey in  lagu qaadi karo sawiro waaweyn oo ka xajmi weyn intii hore aragti ahaan , sidoo kalena waa ka dhowaayeen sawir ahaan sawiradda mobile-da halka kamarad leh sawiradda lagu qaado, waxa kale oo ay lahaayeen qaybta HDR-ta loo yaqaano oo  iyaduna soo dhoweynaysay ama fogaynaysay sawiradda meelaha qaarkood.

Mobile-ladan hadda leh afarta iyo shanta Kamaradood ayaa awood u leh in ay meel fog wax ka sawiraan, iyaga oo awood u leh in ay mar wada qaadaan sawir keliyaata oo aad u balaadhan , ayna muuqdaan dadkii ficilka wada samaynaayey oo dhami , iyada oo laga maarmay in lagu shubto Barnaamijka suurto geliya in uu isu soo dhoweeyo dadka sawirka wada gelaaya iyo dadkii is cidhiidhyi jiray.

Kalarada Sawiradda lagu galo Mobile-kan ayaa ah kuwo kala duwan, kuwaas oo Midab kasta oo ay yeeshaan noqonaaya kuwo ku qurux badan , kuna soo baxaaya, waxaana lagu geli karaa ama laga dhigi karaa kuwo madow ah iyo kuwo cadaan ah, kuwaas oo soo jiidasho leh,waana sawir aad uga saamayn badan sawiradii hore, sidoo kalena si weyn wax looga dhex arkaayo ama si nadiif ah wax walba looga dhex arkaayo, waxaanay noqonayaan sawiradda uu qaadaa kuwo indhaha soo jiidanaaya una fiican .

Falaadhaha cad ceeda ayaan iyaguna wax dhib ah ku hayn qofka sawirka qaadaaya iyo ka laga qaadaayoba, iyada oo si fudud loogu sawiri karo looguna duubi karo socodyada xawaaraha ku socda oo dhan , sida ciyaaraha iyo shimbiraha duulaaya iyo waxyaalaha lamidka ah .

Mobiles-kan cusub ee kala duwan , waxa ay awood u lee yihiin in ay wax u duubaan habka ay wax u duubaan qaybo kamid ah kamaradaha waaweyn ee loo adeegsado in lagu duubo waxyaalaha qaarkood, sida filimada oo kale.

Sidoo kale waxa ay shirkaddaha sameeyey Taleefanadani ka siman yihiin barnaamij cusub oo ay kusoo kordhiyeen taleefanadooda gacanta, kaas oo ah in uu la shaqayn karo Zoom-ta ama dhoweysada ku xidhan kamaradahaasi.

 

Leave a Reply