Wasiirka Warfaafinta oo si Adag ugu Jawaabay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

0
407

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Maxamed Muuse Diiriye, ayaa ka jawaabay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Ciro) kaasi oo uu ku sifeeyay in uu hadda bilaabayo leygama helin.

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye, waxa kale oo uu tilmaamay in madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi uu madaxweyne u yahay kuwii u codeeyay iyo kuwii ka codeeyayba.

Mudane Maxamed Muuse Diiriye isaga oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Jiitanka aad moodo inuu ku jiro doorashadii Golaha Wakiiladda, tii golaha deegaanka, oo ay waliba jiitameyso tii Golaha wakiiladdu, doorasho madaxtinimo ayaynu galney, waxaad mooda wali xajiinteedii in ay ina heysato, waa lagu dhawaaqay waxaana lagu kala badiyay 80-kun oo cod, 80 codna  waa leysugu hanbalyeeyay.

Waxaad mooda illaa maanta gudoomiyaha xisbiga WADDANI xajiintaasi in aanay ka hadhsaneyn, “Cirro 9 jeer Madaxweyne Muu Odhan’’ mar kaliya madaxweyne Muuse muu odhan, Cabdiraxmaan ha ogaado intii ka codeysay iyo intii madaxweyne Muuse u codeysay inuu madaxweyne u wada yahay Muuse Biixi Cabdi.

Cabdiraxmaan Cirro waxaan leeyahay sunne xun heynoo jideyn, wali shanta madaxweyne ee isbadalayay weli maynaan arag qof hadal qaawan ku leh, waxaa aad mooda inuu hada bilaabayo leygama helin”

“Intii Guurtidda, Faysal iyo intii madaxweynuhu ku daraayayba waa uu gudbiyay, golaha wakiiladduna xeer iyo nidaam ayuu raacayaa, anigu waan ku jiri jiray oo qaar ayaanu celiney xubnihii ay noo soo gudbiyeen madaxdii xiligaasi, oo Ina Cigaal nagula dagaalamey oo nagu soo celiyay weynu ogeyn Siilaanyo kuwu soo qoray ee leysku soo celiyay, golaha wakiiladuna in xeer 24 ay u raacaan uun ba looga baahan yahay, haduu xataa saluugsan yahay hase ahaate sagaal jeer ayuu ku celceliyay arayga ah ‘Muuse Biixi, Muuse Biixi, Muuse Biixi, nin weyn oo han leh ayaan moodayay oo hanqalka la soo kacay ee haduu doonayo in uu umaddan cod ka hello erayadaasi muu isticmaaleen, waxaan leeyahay Cabdiraxmaanow hab dhaqanka wax ka badel aniga oo kula talinaya”

 

Leave a Reply