Madaxtooyada Somaliland oo Bulshada ka Qancisay Warkii Been Abuurka ahaa ee Guddoomiye Cirro

0
421

“Guddoomiyaha Waddani diyaar uma aha in doorashooyinka wakiilada iyo dawladaha hoose dalka ka qabsoomaan.”

“Xukuumadda Madaxweyne Muuse waxaa ka go’an in doorashooyinku xilligooda innoogu qabsoomaan.”Afhayeenka Madaxtooyada

Qore: Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa(Dawan):- Madaxtooyada Somaliland,yaa bulshada ka qancisay isla markaana si cad u iftiimisay warkii been abuurka ahaa ee guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro uu ku eedaynayay Madaxweynaha Somaliland in soo celiyay xubin ka mid ahayd xubnihii gudida doorashooyinka ay usoo xuleen golaha guurtida Somaliland taasoo ah waxba kama jiraan.

Waxaa kale oo Madaxtooyada qaranku ay caddaysay in xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi uu gadhwadeenka ka yahay in ay ka go’an tahay in doorashooyinku xilligooda innoogu qabsoomaan oo la soo doorto mudaneyaasha golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanka.

Afhayeenka Madaxyooyada Somaliland Maxamuud Warsame Jaamac oo shalay shir warbaahineed ku qabtay qasriga madaxtooyada,waxaa kale oo uu ka hadlay sida guddoomiye Cirro iyo xisbigiisa Waddani aanay diyaarka ugu ahayn in dalka ay ka qabsoomaan doorashooyinka golaha wakiilada iyo goleyaasha deegaanku isla markaana uu durba u carqaladaynayo xubnihii cusbaa ee loosoo xulay komishanka doorashooyinka qaranka.

Waxaanu guddoomiye Cirri ku xujeeyay in uu soo caddeeyo isla markaana uu soo bandhigo xubinta uu sheegay in Madaxweynuhu uu ku celiyay Guurtida taas oo afhayeenku si cad u qeexay in ay tahay eed iyo gef uu madaxweynaha ka galay oo an jirin.

Afhayeenka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi    “Nuxurka hadalkii guddoomiye Cirro waxa uu daarranaa ka-maagis uu guddoomiyuhu ka maagayo in dalka ay doorasho ka qabsoonto iyo in doorashooyinku ay socdaan, marka koowaad sharciga iyo arrimaha doorashada ayuu aad ugu dheeraaday, dooddiisa doorashaduna waxa ay ahayd mid aad u jaban, sababtoo ah xeerka doorashada Xeer No/20/2001, qodobkiisa 13-aad waxa uu si cad u qeexayaa shuruudaha iyo waddada loo marayo xulista xubnaha Komishanka, guddoomiyuhuna wuu yaqaannaa, laakiin wuu iska indho tirayaa.”

Afhayeenka oo ka hadlayay hadal aan jirin oo guddoomiye Cirro ka soo yeedhay oo uu ku sheegay in Madaxweynaha qaranku dib ugu celiyay golaha guurtida xubin ka mid ah labadii xubnood ee ay usoo xuleeg ka mid noqoshada gudida doorashooyinka ee cusub,ayuu yidhi. “Cirro waxaa uu sheegay in Madaxweynuhu dib ugu celiyay golaha guurtida xubin ka mid ah labadii xubnood ee ay gudida doorashooyinka usoo xuleen,taas oo ah been abuur cad oo aanay waxba ka jirin markaad wax sheegayso waxaa loo baahan yahay in waxaad ummada u sheegayso ad caddayn ku hayso wxaanan leeyahay xubin Madaxweynuhu dib cid ugu celiyay ma jirto hadday guurtida tahay iyo hdday xisbiyada tahayba waxaanan filayaa kol haddii uu hadalkaa aan jirin ee been abuurka ah uu umadda u sheegay in  bulshadu markay caddayn ka waydo in aanay dib u rumaysanayn.”

Afhayeenka oo hadalkiisa  ayaa  caddeeyey in madaxweynaha iyo xukuumaddiisu mar walba diyaar u yihiin inay doorashooyinku ku qabsoomaan waqtigoodii oo aanay baaqannin,“Xukuumadda madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa ka go’an oo ay geed dheer iyo mid gaabanba ugu taagan tahay in doorashadii oo xilligeedii lagu galo oo ay inoo dhacdo oo ay qabsoonto oo aanay innaga baaqan, shacabka Somaliland-na waxa ay diyaar u yihiin inay doorashooyinka galaan, dawladduna waxa ay dedaal cad ugu jirtaa diyaarinta doorashooyinka,” ayuu yidhi Afhayeen Maxamuud Warsame Jaamac

Leave a Reply