Wasaaradda Warfaafinta iyo TV-yada Madaxa Bannaan ee Somaliland Laga Leeyahaya oo Heshiis kala Saxeexday

0
832

Khadar.M.Dhako.

Hargaysa(Dawan):-Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyi gelinta Somaliland iyo Tv-yada Madaxa bannaan ee laga leeyahay Somaliland ayaa heshiis kala saxeexday isla markaana isku raacay in si wada jir ah loo wada shaqeeyo isla markaana Tv-yada madaxa bannaan ee Somaliland laga leeyahay ay ogaadaan in ay yihiin hanti qaran oo dalkooda iyo dadkooda ay u adeegaan kuna dhaqmaan sharciga dalka iyo xeerka saxaafadda.

Kulan ay shalay wada yeesheen wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqnka iyo wacyi gelinta Somaliland Mudane Maxamed  Muuse Diiriye iyo mulkiileyaasha TV-yada madaxa bannaan ee Somaliland laga leeyahay ay ku wada yeesheen xarunta wasaaradda,ayaa lagu kala saxeexday heshiis wada shaqayneed.

Wasiirka warfaafinta ayaa kulankaas kaga dhawaaqay in xukuumaddu xayiraddii ay ka qaaday Horyaal Tv.

Dhinaca kale Mulkiileyaasha ayaa ballan qaaday in ay ku dhaqmayaan isla markaana ay fulinayaan heshiiska ay wasaaradda kala saxeexdeen.

Saxaafada Somaliland.

Kulankan  Wasiirka  Wasaarada  Warfaafinta  Dhaqanka iyo  Wacyigalinta  Maxamed  Muuse  Diiriye  la yeeshay  Telefishanada Dalka laga leeyahay oo     ka qabsoomay Xarunta Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta ee  Magaalada Hargaysa   ayaa waxaa ka soo qayb galay  Mulkiilayaasha Telefishanada Horyaal  Bulsho Eryal Badacas iyo  Sahan,

Arrimaha kulankaa la iskula qaatay iyo heshiiska lagu kala saxeexday wasiirka oo ugu horrayn ka hadlayayna waxaa uu yidhi. “Muddoba waan soo wada  shaqaynaynay Telefishanada  Madaxabannaan  makaa  hawshan  aynu ka wadahadlaynaa waa hawl   Qaran  qof kasta  oo reer Somaliland  ah dhinacuu  doono  haka  joogo  doorkiisa in uu ka qaato  ayaa loo baahanyahay,waxaanan isla qaadanay in lagu dhaqmo Xeerka Saxaafada u yaalla iyo  isfahamkeena  guud oo ah waxa annaga  waajib  la noogu leeyahay  in warbaahinta aanu kobcino oo gacanta  qabano in aanaan iska xidhin inan yar oo wuxuu  doono soo duubay ee halka hawshu fadhido ay tahay ee  Masuuliyaddu ku soo ururaysaa  tahay   mulkiilaha   iyo  Tifaftirihiisa.”.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa ku daray “Telefishanada   Wadanka jooga ee  Somaliland  laga leeyahay   hantidii Qaranka ayaad tihiin warbaahin kale oo dibedda laga leeyahay oo halkan inala joogtaa way jiraan iyagoo ah  muwaadiniin reer Somaliland ah laakiin meel kale laga leeyahay iyaga si gaara ayaanu u xisaabtami doonaa    iyo  Masuuliyada ay qaadi karaan si gaara ayaanu uga wadahadli doonaa, maanta(shalay) laga bilaabo waanu sii daynay  Telefishanka  Horyaal  illaa Madaxweynaha waanu ka wada soconay oo markii aan xidhnay wuu ogaa  waanan ku wargaliyay  sidaas ayaa codsigiinii idiinku dhamaystiranyahay hadhaw iskuma cabano waxa innaga dhaxaynayaa  waa Sharciga,”.

Mulkiilaha  Telefishanada  Horyaal TV Maxamed Cismaan Mire (Sayid) ayaa  sheegay  in Wasaarada Warfaafinta  Dhaqanka iyo  Wacyigalinta ay u  wada shaqayn doonaan si masuuliyadi ku jirto.waxaanu yidhi“Farxad ayay ii tahay in la dhameeyay Telefishankaygu muddo ayuu xidhnaa waxa aanu ku talo galnay oo xumaan ahaa oo aanu u jeednay may jirin,waxyaabo farsamo nooga dhacay ayay ahaayeen taana raali galin waanu ka bixinay run ahaantii   hadda ka dib waxaanu  jecelnahay in  aanay taasoo kale dhici doonin oo si wadaninimo ah oo Masuuliyadi ku jirto ayaan u wada shaqayn doonaa Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta Somaliland,”.

Sidoo kale    Mulkiilayaasha Telefishanada  Madaxa bannana ee Bulsho tv Eryal tv      Sahan tv   iyo  Badacas tv     oo kulankaa  ka hadlay ayaa  sheegay in ay fulinayaan heshiiskaa ay kala saxeexdeen  Wasiirka  Wasaarada Warfaafinta Dhaqanka iyo Wacyigalinta,waxaanay carabka  ku adkeeyeen  in aanay heshiiskaa waxba ka soo noqon doonin.

 

Leave a Reply