Wasiirka Maaliyadda oo Daboolka ka Qaaday Waxyaabaha Somaliland Hodanka ku Tahay

0
1023

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda horumarinta maaliyada Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay in aanu isu-dheelitirneyn xidhiidhka ganacsi ee aynu la leenahay wadamada kale, taasi oo uu sabab uga dhigey in waxyaabaha ay Somaliland soo saarto aan loo iibgeynin wadamada jaarka ah.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in uu jiro kheyraad badan oo ay Somaliland u dhoofin karto dalka aynu jaarka nahay ee Itoobiya, kuwaasi oo ay ka mid yihiin khayraadka Kalluunka iyo adeegyada kale ee badda.

Wasiirka Wasaarada horumarinta Maaliyada Somaliland waxa uu sidaasi ka sheegay Kulan xog-warran ah oo uu la yeeshay, guddida dhaqaalaha ee golaha Wakiillada, kaasi oo ay ku wehelinayeen wasiir ku-xigeenka wasaaraddaasi iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda maaliyadda, kaasi oo ay warbixin ka siiyeen halka ay marayso diyaarinta Miisaaniyada Qaranka ee 2020-ka.

Kulanka oo intii uu socday Albaabadu u xidhnaayeen ayaa markii uu soo dhamaaday, waxa wariyeyaasha la hadlay oo sharaxaad ka bixiyey waxyaabaha laga wadahadlay wasiirka Wasaaradda horumarinta Maaliyada Dr. Sacad Cali Shire iyo guddoomiyaha guddida dhaqaalaha ee golaha wakiillada Xildhibaan Cumar San-weyne.

Wasiirka wasaaradda maaliyada Dr. Sacad Cali Shire isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayayna waxaa uu yidhi “Wadamada aynu wax ka soo iibsano oo dalka Itoobiya ka mid tahay, sida kaliya ee aynu u dhammeystirnaana waxaa weeyi, inagu in aynu wax-soo-saarno oo aynu ka iibino, wax badan ayaynu ka iibin karnaa, marka shuruudaha loo baahan yahay aynu ka wada baxno, Kalluuun beynu ka iibin karrna, adeega Badda iyo wixii kale ee mara iyo dekaddaheena, iyagu ma laha. dalxiis ayaa inaga dhaxeyn karra, waxyaabo badan ayaa inaga dhaxeyn karna oo aanay iyagu laheyn, xataa Beeyaddeena ayaa ka mid ah iyo waxaa laga soo saaro, intaasi oo dhanba waa aynu ku badelan karrnaa.”

Wasiir Sacad waxa uu intaasi ku daray “Maanta waxaa aynu dhoofinno iyo waxaa inoo soo dhoofey waxaa ay ka badneyd laba boqol oo milyan, taasina macnaheedu waxaa weeye in aynu u baahanahay in aynu wax-soo-saarno, kuna badelo wax, kagana maarano waxaa aynu dibada ka keenayo ama aynu dhoofino wax bulshada kale u baahan tahay oo aynu inagu soo saari karno haddii shacab iyo dawladdba aynu dadaalno”

Wasiirka wasaarada horumarinta maaliyada Dr. Sacad oo u gudbiyay golaha wakiillada xog ku saabsan diyaarinta miisaaniyada 2020, oo lagu saleeyey hannaanka dib u habaynta maaliyada ee PFM-ka waxaa uu yidhi “Gudida dhaqaalaha ee golaha wakiiladda waxaa aanu ugu nimid in aanuu ku wargelino geedi socodka sameynta Miisaaniyadda, waxaa aanu raacnaa nidaamka dib u habeynta maaliyada ee la yidhaaho ‘PFM, kaasi oo ina faraya si loo sameeyo miisaaniyadda in aynu raacno, in wada tashi lala yeesho mudanayaasha golaha wakiiladda Somaliland.”

 

Leave a Reply