Lacagtii Ugu Badnayd Ee Wax Lagu Iibsado Oo Lagu Kala Iibsaday Jaambad Ama Jabcad Yar

0
905

Toddobaadyadii lasoo dhaafay waxay warbaahinta caalamku hadal haysay jabcad yar oo lagu kala iibsaday  lacagtii ugu badnayd ee wax lagu kala iibsado, iyada oo laga helay Jaambaddaasi wadanka Chine , kaas oo la isticmaali jiray muddo kun sanno ka hor ah.

Madiibadan ama jaambadan yar la kala siistay lacag dhan ilaa 38 Milyan oo Dollar, taas oo ka dhigtay walaxdii ugu qaalisanayd ee lagu kala iibsado adduunka waqtigan aynu joogno, iyada oo loo iibsaday Taariikh ahaan.

Ninka iibsaday Jaambadan ayaa ah ganacsade caan ah , sida lagu sheegay qoraal lagu daabacay wargeyska Daily Mail oo uu wargeyska Dawan kasoo xigtay , ilaa haddana lama shaacin ninka iibsaday Jaambaddaasi, waxaana lagu kala iibsaday Hong Kong.

Jaambadan ayaa wadata Taariikh ka duwan taariikhaha , iyada oo la sheegay in la isticmaali jiray oo ay jirtay ilaa xiligii ay dalkaasi Chine ka talinaysay  boqortooyadii  Song Dynasty , taas oo ka dhigtay mid qaali lagu kala iibsado lacag ahaan.

Dadka iibka ka qayb qaadanaayey ayaa kala ahaa laba qaybood, kuwaas oo qaar kamid ahi joogeen goobta iibka, halka kuwo kalena ay taleefanka ka iibsanayeen Jaambadaasi, waxaana la dhigay Jaambadaasi goob wax lagu iibiyo oo lagu magcaabo  Sotheby , iyada oo lagu iibsaday muddo 20 daqiiqo gudohood ah.

Jaambaddan ayaa dhererkeedu yahay 13 cm, waxaana iibkeeda laga bilaabay ugu horeyntii 10.2 Million oo Dollar, iyada oo qiimihiisu  markii dambe gaadhey 38 Million oo Dollar,taas oo noqotay tii markii dambe lagu iibsaday.

Guddoomiyaha shirkadda  Sotheby  Mr Nicolas Chow ayaa sheegay in Jaambaddan yari ahayd mid mucjiso ah, isaga oo intaas ku daray in aanu marnaba filayn in intaas oo dhan lacag le’eg lagu iibsado,  waxa sidoo kale aad ula yaabay dadka maqlayn lacagta lagu iibsaday oo u qaadan waayey.

Leave a Reply