Qaybo Kamida Waxyaalihii Khiyaaliga Ahaa Ee Lagu Daawan Jiray Filimada Oo Run Waqtigan Loo Bedelay

0
457

Star wars ama dagaaladda xidigaha oo loo adeegsan jiray Aflaamta khiyaaliga ah , hawada sarena laysku dili jiray ayaa qalabka la adeegsan jiray waqtigan qaybo kamid ah run laga dhigay, iyada oo qaar kamid ah shirkaddaha Tignoolajiyaddu ay soo sareen qalabkaasi oo hab kaas la mid ah iyo hab ku dhow loo adeegsanaayo.

Soo saarista Filimadan ayaa bilaabantay qarnigii Ina dhaafay badhtamihiisii, laga soo bilaabo waqtigaasina kama bixin xaaladda Aflaamtaas khiyaaliga ah mid dhalanteed ah, iyada oo qaybo cusub oo Aflaamtaas kamid ah lagu soo daray Mootooyin ama Dhug dhuglay  duulaysa oo hadba meelaha ay doonaan ay ku tegayaan meteleyaasha Aflaamtaasi, dagaaladdana si weyn uga qayb qaadanaysa.

Haddaba muqaaladaasi ayaa  Qarnigan aynu ku jirno laga dhigay kuwo run ah, iyada oo ay shirkaddo waaweyni u fikireen sidii ay run uga dhigi lahaayeen, iyaga oo soo saaray Mooto loo bixiyey Mootada dheeraysa ama Mover Bayk , taas oo noqotay mid run ah , waxaana xusid mudan  in soo saareyaasha Filimaantani ay yihiin kuwa gacanta weyn ka geystay in la sameeyo Mootadan cusub, iyada oo shirkadda Huber bayk ay soo saartay Mooto lagu magacaabo Spike bin three oo noqotay Mootadii ugu horeysay ee duusha , taas oo waqtigan gashay tijaabo.

Diyaaradan yar ee Score Bayk 3 ayaa ah Mooto yar oo diyaarad ah, taas oo awood u leh in ay qaado hal qof, samaysona duulimaad goobo  dhow dhow lagu tegaayo,waxaanay meteshaa ama u eg tahay diyaaraddaha yar yar ee Drones ka loo yaqaano, waxaanay lee dahay afar marawaxadood oo hareeraha kaga yaalla, iyada oo goobta la fadhiisanayaana u eg tahay kursiga Mootooyinka lagu fadhisto ,sidoo kalena waxa laga maamulayaa goob lamid ah goobta laga maamulo Mootada .

Xawaaraha diyaaradan yar ee Score Bayk 3 ayaa ah 50 km/saacadiiba , kaas oo ah socdaalkeeda ugu dheereeya,waxaanay awood u lee dahay in ay kor u kacdo 11 meter masaafo dhan , iyada oo u fadhiisanaysa hab nabadgelyo ah, iyada oo habkeeda socod oo dhan lala soconaayo, lana dhimi karo xawaaraha ay ku socoto iyo jooga ay kor u kacday.

Diyaaradan yar ee sida Mootada u samaysan ayaa ku shaqaynaysa Laydh, iyada oo maalmihii ugu dambeeyey oo adeegsanaayey qaadista waxyaalaha qaarkood, waxaanay dadka aqoonta badan u lihi u kaxayn karaan hab aamin ah, waxa sidoo kalena loo kaxayn karaa hab Koombiyuutar lagu hagaayo, iyada oo aan qof wadin, mana aha diyaaraddii yarayd ee ugu horeysay ee la sameeyo.

Malloy Aeronautics oo ah shirkad laga lee yahay dalka Ingiriiska ayaa hore u sheegtay in ay soo saartay Mootooyin diyaaraddo ah oo dhawr ah, kuwaas oo loo adeegsan karo adeegyo kala duwan.

Leave a Reply