Madaxweynaha Somaliland oo Dhagax Dhigay Hoyga Taariikhda Qaranka JSL

0
474

Hargeysa(Dawan):- Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi,ayaa maanta dhagax dhigay Hoyga Taariikhda Qaranka.

Madaxweynaha Somaliland,ayaa faah faahin ka bixiyay sida ay qarank muhiimka ugu tahay in la helo Hoyga taariikhda qaranka isla markaana ay lagama maarmaanka u tahay in la helo taariikhda guunka ah ee dalku leeyahay.

Waxaanu intaa ku daray Madaxweyne Muuse in kaydinta taariikhda dalku leeyahay in ay umad ahaan u tahay mid mudan oo qaranka kayd u ah isla markaana laga heli doono taariikhda qaranku leeyahay.

Xaruntan oo ah xarun ad u wayn kana kooban dhisme shan dabaq oo sare ah iyo dabaq hoose isla markaana ay dhismihiisa bixinayso xukuumadda Somaliland waxaaan dhismaha fulin doona ciidanka qaranka Somaliland.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.

Leave a Reply