Arrimaha colaadeed ee ka aloosan Bariga Dhexe, ayaa waxa uu saameyn ku yeeshay dhammaan arrimaha siyaasadda iyo dhaqaale ee dunida, iyadoo uu qiimaha Shidaalka iyo ascaarta kale ee seyladaha dunidu kor u kacaan mar allaale markay xiisadi ka cusuboonaato Bariga Dhexe, gaar ahaana xagga dalalka Iraan iyo Mareykanka, taas oo daliil cad u ah ahmiyadda weyn ee uu Gobolkani u leeyahay Adduunka.
Gobolku waa mid ku fadhiya istraatijiyad siyaasadeed, dhaqaale iyo Ganacsi, waxaanu ku helay saddexdaa arrimood oo ay ka mid yihiin marin biyoodyo badeed oo kala ah gacanka Khaliijka Carbeed iyo ka Hormuz oo ah kuwa ay maraan 30% ganacsiga adduunka u kala goosha, geesta kalana waa Gobolka dhaqaale ahaan ugu hodansan adduunka marka la eego xagga Soo saarka Saliidda Caalamka, dhinaca kalena ee istraatijiyaddana waxa uu si dhaw iskugu xidhaa qaaradda Yurub iyo Aasiya.
Asbaabahaa iyo kuwa kale oo badan oo ku dhex lifaaqan kuwa aan sare kusoo xusnay, ayaa ka dhigay Gobolkan mid ay ku hirdamaan had iyo jeer quwadaha waaweyn ee ka taliya siyaasadaha adduunka marka ay kasoo galaan ama ka dhex waayaan danihii ay ku lahaayeen, waxana ku xiga Gobolka Geeska Afrika marka laga eego dhinaca istaatijiyadda, gaar ahaana dalalka ku xeerran marinka badda Cas oo ay ka mid yihiin, Ereteeriya, Sudaan, Jibuuti, Somaliland iyo Somaaliya [ Puntland].
Waqtigan hadda la joogo waxa durba muuqda ifafaalayaal muujinaya sida ay u saameysay Afrika, gaar ahaana dalalka Geeska Afrika xaaladaha murugsan ee colaadeed ee ka qiiqaya Bariga Dhexe, waxana tusaale innoogu filan siday u qasmeen xaaladaha siyaasadeed ee dalalka Geeska Afrika qaarkood, taas oo welwel ku abuurtay dalalka Bariga Dhexe ee awoodda isbidaya qaar ka mid ah sida Madaxweynaha dalka Turkiga oo ku soo daabulaya Xukuumadda magac ahaanta u jirta ee Farmaaja-ha Muqdisho hub iyo diyaarado dagaal oo casriya.
Waxa kale oo ka dembeeyey Shirkii uu Madaxweyne Putin ugu qabtay magaalada Soshi ee uu ku martiqaaday hoggaamiyayaasha dalalka Afrika ee halkaa ka socday 23-24kii Oct 2019ka, kaas oo uu Madaxweynaha dalka Ruushku uga gollahaa inuu ku soo jiito, xidhiidho cusubna la yeesho, kuwa hore u jiri jireyna dib boodhka uga jafo, isagoo ka faa’iysanaya waaga cusub iyo wejiga iftiinka badan ee hadda uu u yeelay dalkiisa, kadib markuu Mareykanka si fudud uga fara-bixiyey siyaasadihii Bariga Dhexe.
Sida la saadaalinayo wax halkaa si cad looga arkaa in tallaabada uu Ruushku u qaaday dhinaca Bariga Dhexe, gaar ahaana guusha uu ka keenay dagaalka Suuriya, ayaa la filayaa in wax badan ay ka beddeli doonta mustaqbalka dhaw Istraatijyaddii hore uga jirtay dunida, siiba ta Bariga Dhexe oo ay muddada dheer ku keliyeysteen dunida Galbeedka ee uu weli hoggaamiyo Mareykanku in aanay dib uga jiri doonin.
Madaxweynaha dalka Ruushku Vladimir Putin waxa uu ugu bushaarreeyey xidhitaankii shirka magaalada Soshi ee uu isagu yeedhay hoggaamiyayaasha Afrika inuu wax badan kala qaban karo dhinacyada curinta quwadda tamarta iyo horumarinta Ciidammada qeybahooda kala duwan, waxanu intaa u raaciyey in taageeradiisu tahay mid aan xambaarsaneyn shuruudo adag iyo hawlo musuqmaasuq, balse ay yihiin oo kaliya kuwa muuqda oo cid walba arki karto.
Shirkaa ku dhexmaray dalalka Afrika hoggaamiyayaashooda iyo Madaxweyne Putin magaalada Soshi ee dalka Ruushka, waxa uu fursad fiican u ahaa marka kowaad Madaxweynaha dalka Masar Cabdifataax Al-siisi oo xaalad cidhiidhiya ka haysatay xagga siyaasadda gudaha marka laga eego dhinaca Biyo-xidheenka cusub ee ay Itoobiya dhismihiisa ka waddo oo ay hore labada iskugu fahmi waayeen, ayaa waxa ay shirka ka hor labada hoggaamiye ee Itoobiya iyo Masar sheegeen inay ka gaadheen isafgarasho hordhaca, taas oo la filayo inay ka dhalatay dhexdhexaadin ka timid xagga Madaxweynaha Ruushka.
Arrinta kale waa Farmaaja-ha Somaaliya oo isna uu tegista shirkaasi ka yara dabciyey culeysyo aad u tiro badan oo ka jiray gudaha Muqdisho oo ah meesha keliya ee uu yahay fadhigiisu, isla markaana uu maamulo, arrinta xagga Badda ee Kiiniya iyo sidoo kale Maamul-goboleedyada hoos yimaada oo farahiisa ka baxay iyo arrimo kale oo badan, ayaa shirkaasi uu u noqday shimbir loo soo diray, si uu muddo ugu sii yara nasto xasaradaha gudaha ka haystana waxa uu sidiisii ku maaweelin doonaa shacbiga Muqdisho in Ruushku Ciidan iyo xag walba ka taageerayo, isla markaana siiyey, una saxeexay ballanqaad uu dib ugu soo noqdo Saldhiggii uu Berbera ku lahaa.
Marka laysku soo wada ururiyo waxa ujeeddada ugu weyn ee shirkaasi ahayd, in Ruushku u muujiyo hoggaamiyayaasha Afrika inuu yahay quwad jirta oo ka duwan ta Galbeedka ee Mareykanku hoggaamiyo oo hadda dooneysa, in ay xidhiidhadii hore u jiray ee ka dhexeeyey dalal badan oo ka mid ah qaaradda diyaar u yahay inuu dib u cusbooneysiiyo, sidoo kalena la sameysto kuwa kale oo cusub, taas oo ugu hirgashay Madaxweyne Putin sidii uu doonayey.