Tusaalaha Nolosha Iyo Geerida Qofka Wanaagsan

0
991

Dr. Khaalid Binu Ca/casiis Binu Jubayr oo ah dhakhtar Sacuudiyaan ah isla markaana ah nin Sheikh ah, ayaa sheegay in maalin uu la soo xidhiidhay ardaydiisa midkood. Kuna yidhi miyaad dhowdahay mise waad fogtahay?

Waxaana uu ugu jawaabay waan dhawahay.  Dhahtarku wuu gartay ardayga waxaana dhex martay qisadan :” Dhakhtar hooyaday ayaa sakaraad ah ee ii kaalay “ .  Dhakhtarka ayaa yidhi “ Waan garanayay gurigooda waan u tegay, waxaan galay qolkii ay jiiftay iyadoo sakaraad ah”, “ laakiin waxaan kala kulmay arin cajiib ah, waxa qolka gebigiisa qabsaday udgoon urta miskiga leh, waan garan waayay  urta sidan u udgoon halka ay ka soo baxayso”.

Markasta oo aan ku sii dhowaado urta way ka sii badataa”  Markii aan fadhiistay ayay  ashahaadda ku dhawaaqday oo ay naftii ka baxday, wakhtigaasi oo urtii si xad dhaaf ah u badatay”.

Udoognkaasi laba maalmood ayuu qolkaasi haystay geerideeda ka dib. Sheekha ayaa yidhi Wiilkeeda ayaan weydiiyay waxay qaban jirtay hooyadii waxaana uu ii sheegay laba arimood “ hooyaday weligeed qof ma xaman, wayna necbayda xanta“  Haddii uu qof aflagaado iyada u geystana iyaduna way amaani jirtay”.

Leave a Reply