Fiditaanka Islaamka ee Dalalka Geeska Afrika

0
1667

Qormadii 3aad

 

 

 

 

Qore Abdi Aziz Khalaf

Hordhac:

Waa Qormo taariikheed oo si faahfaahsan u xusisa sida islaamku ku soo gaadhay deegaanka  geeska afrika iyo waxyaabaha ka qayb qaatay, taasoo xooga saarisa ka miin guurida xogta tixraayada  taariikhiga (References ) si hufana u moojinisa sida ay uga duwanaa fiditaanka islaamka deegaankani meelaha kale ee afrika ee islaamku gaahday. Sidoo kale qormadan taariikheed  waa dadaal bar bilaw ah una baahan wixii kubcin iyo dheeraad ah  si loo helo quraalo afka soomaliga kaga hadlaya talaabooyinkii diinteena suuban ee ugu horaysay ee dhulkeenan.

Qormada 3aad

Ereyga Xabasha iyo halka uu ka soo jeedo:

Waxa xusid mudan in ereygan Al- Xabash ay isticmaali jireen taariikhyahanadda carbeed taa soo ay uga jeedeen deegaanka geeska afrika iyadoo ay u celiyaan qabiiladii deganaa halkaa, iyadoo ay taariikhyahandda giriiga ah ay u bixiyeen deegaankan Abyssinia halka Romaanka ay u  bixiyeen Ehtiobia oo luqadda  romaanka hore u dhigmaysay wajiga gubtay ( un jeedeen madawga) [1]

 

Geeska Afrika iyo soo shaac bixidii Islaamka

Deegaanka geeska afrika waxa uu ahaa deegaanadii ugu horeeyey ee diimaha samaawiga ay soo gaadhaan mahaa dint islaamka oo kaliya balse diimaha Masiixiga iyo Yahuudiga waxa ay soo gaadheen deegaamadan xiliya hore tusaale ahaan waxa ay diinta masiixigu ay soo gaahday ddeegaankan heeladdii qarnigii  afraad ee miilaadiga halka yahuudiyaddu ay ka horaysay taariikhdaa.

Sidoo kale diinta islaamka ayaa soo gaadhay heeladii qarnigii lixaad xiliyadii ay diinto soo if baxday Maka , sanadku markuu ahaa 618 miilaadigii ayaa nebigeena suuban( Naxariita ilaahay kurkiisa ha ahaatee)  ayaa  u ogaaladay asxaabtii Maka dhibaatadu ku haysatay in ay u qaxaan deegaanka Xabasha oo xiligaa boqortooyada Aksom ay maamuli jirtay ahaydna bogortooyo masiixi ah,taasoo oo nabigu ku sababeeyey in boqor caaadil ah uu xukumo dadkana aan dulmin [2]. Waxa taariikhdu xustaa in musimiinta u qaxday xabasha ay deganaayeen 14 sano soona gurya noqdeen taariikhdu markay ahay 632miilaadigii ka dib marku nebigu heshiiskii xudaybiya quraysh la sexeexay.

Hadaba su’aasha isweydiinta mudan waxa ay tahay intee ayey raad dadkaa muslimiinta ay kaga tegeen deegaanadda ay deganaayeen?

Runtii ma jirto wax badan oo xiligaa laga quray muslimiinta qaxoontiga ku joogay xabasha waxa si muuqata in ay nabad ku sugnaayeen diintoodana ay si xuriyad leh ay u wateen waana waxa ay ka waayeen dadlkoodii iyo dadkoodii reer quraysheed iyo carab idil ahaanteed wakhtigaa intii annay reer Yathrib(Madiina) ay soo dhaween nebiga iyo asxaabtiisa soo hijrooday.Halkaa waxa cad in ay deegaamada geeska afrika ay ahaayeen deegaanadii ugu horeeyey ay diinta islamigu ay gaadhay, si nabad ahna ay ku sugnayd oo cadaadis lahayn.

Xidhiidhka dawladii islaka ee hore iyo Xabasha

Ka dib geeridii nebi muxamad (NNKH) sanadku marku ahaa 622miilaadigii waxa soo maray taariikhda islaamka maamulu kala duwan oo kala ahaa:

  • Maamulkii khilaafadda suubanayd – Madiina-.(622-652)
  • Maamulkii Umawiyiinta – Dimashq-(652-745)
  • Maamukjii Cabaasiyiinta- Bagdaad- (745-1401)
  • Maamulkii Mamaaliikta –Qaahira- (1260-1517)
  • Maamulkii boqortooyadii Osmaaniga ( 1517-1924)

Hadaba waxa dawladdii islamiga ay ku dadaashay in ay fidiyaan diinta islaamka  waxaan ay meelaha gaadhkood  dagaalo culus la gashay dawladihii awadda badnaa xiligaa oo kala haa bogortooyada Romaanka iyo ta beerishya (Percia) waxa ay ku quulaysatay in ay islaamka u fidiso qaaradda aasiya iyo waqooyiga afrikaba ma dhicin in ay dawladii islaamka ee hore   in ay quluf culaadeed ay ku qaadu bogortooyada xabasha oo deegaan ahaan uga dhawayd meelaha kale sabatuuna waxa  ay culumadda taariikhda ay ku sheegayaan xidhidhka wanaagsan ay la lahaaayeen xabashidu muslimiinta iyo gacanta iyo abaalka ay  u hayeen muslimiintu reer xabasha waxaana ay daliishanayaa xadiith imam Axmad uu ku wariyey musnadkiisa oo ahaa “اتركوا الحبشة ما تركوكم”[3]oo micniheedu yahay iska daaya xabashida oo ha ku duulina haddanay idin ku duulin.

Cutob 2aad: Fiditaanka islaamka ee geeska afrika

Waxa aanu ku xusnay cutobkii hore xidhiidhka taariikheed ee ka dhexeeyey islaamka iyo deegaanka geeska afrika iyo in uu ahaa xidhiidh wanaagsan oo nabad gelyo ku salaysan iyo isku xad gydub la’aan, hadaba su’aasha oo cutobkan ka jawaabayu waxa ay tahay side  baa islaamku u gaadhay deegaamadan maxaana ka gayab qaatay amba se fududeeyay fiditaankiisa waxaanaa u gaybin doonaa sadex gaybood oo kala ah :

  • Astaaaha iinta islaamka u gaahdka ah ee ka qayb qaadatay fiditaankaa.
  • Arimaha dibadda qaaradda uga yimi ee fududeeyay fiditaankaa.
  • Astaamaha gugrafiga ah ee deegaankan.

 

Astaaaha diinta islaamka u gaadhka ah ee ka qayb qaadatay fiditaankiisa:

Diinta islaamka ayaa ah diin samaawiya  oo ilaahay sareeye u soo dejiyay dhaam dadka oo idil meel kasta oo ay joogaan iyo deegaan kastoo ay ku noolyihiin iyo afkastoo ay ku hadlaan, kana yeelay diin cid kasta raali galinisa.

Marka si gaar loo yimaado afrika dadkii hore waxa ya islaamka ku arkeen astaamo  jelaysiisay oo fududaysay  ugolaanshaha ay ugolaadeen amba  ay  mohdeen diintan ku cusob taa soo ay ka mid ahayd:

  1. Baaqa diintani ay u baaqisay walaaltinimadda iyo kala sarayn la,anta bulshada xaga ilaahay iyo xaga xuquuqda bulshada dhexdeeda.Arinkani waa mid aad u jecleesiiyay dadkii deegaamaan afrika ku sugnaa iyado ay dhibta ugu badan kala kulmi jireen adoonsiga la adoonsanayo marka ay bulshooyinka kale la dhaqmaan.

Tani waa markii u horaysay taariikhda afrika ay arkaan diin ama dhaqdhaqaaq u baaqaya sinaanta dadka iyo in aan la kala sareen diinta oo lagu kala sareeyo mooyaane قال صلى الله عليه وسلم  ” لا فضل لعربي على عجمي إلا بالتقوى”

Baaqan oo ahaa baaq cad dadka ku sugan afrika ee diintu soo gaadhay u arkeen mid cadaalad iyo naxariis xambaarsan oo ka qayb qaatay in dadka deegaamada geeska afrika ay soo dhaweeyaan diintan oo  ay jeclaystaan.

Waxa xusid mudan in qarniqii 17aad iyo 18aad in quumaystihii afrika quumastay qaar ahaan deegaamadii galbeedka afrika marku arkay sida dadyawga afrikaanku ay diintooda islaamka ay u jecelyihiin in uu usawiray nebi ciisa sawir nin madaw ah I ay diinta masiixiga aanay uga firdhan aanay u arag diin dadka madaw u naxariisanayn.

 

[1] (Relationship between the Arab peninsula & Abyssinia)40

[2] (Hisham)1/400

[3] (مسند الإمام أحمد )

Leave a Reply