Golaha Wakiiladd oo Ansixiyay Xeerka Xaqsiinta iyo Hawl Gabka Ciidamada Qaranka

0
552

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa shalay ansixiyay, isla markaan meelmariyay Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Ciidammada Qaranka Somaliland ka dib markii wax ka bedel iyo kaabis ay ku sameeyeen xeerkaas.

Fadhigii Golaha Wakiilada ee Shalay oo uu Shirguddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa Mudanayaasha Golaha Wakiiladu cod aqlabiyada ku meel mariyeen Xeerka Hawlgabka iyo Xaqsiinta Ciidamada Qaranka Somaliland ka dib markii Xildhibaanada Goluhu cod u qaadeen, waxaana ogolaaday 37 Xildhibaan waxaana ka aamusay 5 Xildhibaan, iyadoo aanay jirin cid ka aamustay halka Guddooomiyaha Goluhuna aanu codayn, sidaas ayaanu ku ansaxay Xeerkaasi.

Waxaana xeerkan ku duugan arrimaha khuseeya Xaqsiinta Ciidamada Qaranka, waxaanu xeerkani jidaynayaa Aasaasidda Hay’adda Xaqsiinta Ciidamada Qaranka iyo Daryeelidooda. Xeerkan oo hore Xukuumaddu ugu soo gudbisay Golaha Wakiilada ayaa Golaha Wakiiladu u gudbin doonaa Golaha Guurtida si uu Waajibaadkiisa uga guto.

Leave a Reply