Laascaanood: Badhasaabka Sool oo Dhagax Dhigay Kawaanka Casriya

0
477

Qore Khadar Cabdi Muuse

Laascaanood (Dawan): Badhasaabka gobolka Sool Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa shalay dhagax dhigay dhisme casriya oo Kawaanka Gawraca xoolaha magaaladda Laascaanood loogu tallo galay.

Badhasaabka waxaa dhagax dhigaasi ku wehelinayay maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Xuseen Taarwale.

Kawaankan casriga ah ee Gawraca xoolaha Laascaanood loo dhagax dhigay waxaa fulinaysa hay’adda caalamiga ah ee NRC.

C/qani Maxamuud Jiidhe, oo hadal ka jeediyay goobtii dhagax dhiga Kawaankaasi ayaa sheegay in ay dhammaystiran yihiin shuruucda iyo adeegyadda looga baahan yahay Kawaankaasi.

Kaasoo noqon doona meel ay maalin walba bulshaddu u doonato adeegyadda maciishad daruuri ah, isla markaana uu yahay mid si casriya loo kala qorsheeyay loona ilaaliyay nadaafadiisa.

Waxaanu yidhi “Waxaanu maanta (shalay) aanu ka dhagax dhignay magaaladda Laascaanood, Kawaan si casriya loo dhisayo, lagu-na Gawrici doono xoolaha nool.

Kawaaankan oo ay u dhammaystiran yihiin shuruucda iyo adeegyadda looga baahan yahay, xarun maalin walba bulshaddu u doonanayso maciishad daruuri ah, ayaa waxaa fulisay haya’dda NRC”.

Waxa kaloo uu tilmaamay in Kawaankaasi uu u kala qaybsan yahay qabo kala duwan oo loo kala asteeyay Gawraca noocyadda xoolaha iyo qaybaha ay bulshadu adeegyadda kale ka heliyaan.

“Kawaankan ayaa u kala qaybsan qaybo loo kala asteeyey Gawraca xoolaha, qaybaha Xoolaha nool, sida Geella, Adhiga iyo Lo’da.

Waxaa sii raacda in dhinaca nadaafadda iyo fayo-dhawrka iya-na xil la iska saaray, oo loo asteeyey marino u gaara”ayuu yidhi C/qani Jiidhe.

Geesta kale badhasaabka gobolka Sool waxa uu sheegay mashaariicda horumarineed ee ka socda gobolka Sool ay qayb ka yihiin barnaamij-siyaasadeedka madaxweyne Muuse Biixi, isla markaana ay yihiin mashaariic dhab ah oo aan ahayn balan qaad been ah.

Isagoo arrimahaas ka hadlayayna waxa uu yidhi “Mashaariicda horunarineed ee guud ahaan ka socda gobolka Sool, ayaa qayb ka ah siyaasadda iyo ajandaha safka hore kaga jira barnaamij siyaasadeedka madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Iyadoo laga fogaanayo balan qaad aan rumoobin ama dhagax dhig keliya mashaariic ku kooban”.

Dhinaca kale waxaa isna halkaas ka hadlay maayarka magaaladda Laascaanood C/casiis Taarwale, oo tilmaamay in Kawaankan casriga ah ee maanta la dhagax dhigay uu wax badan oo faa’iido ah u keeni doono bulshadda magaaladda Laascaanood.

 

 

 

 

Leave a Reply