Maayarka Gabiley oo Digniin u Diray Bulshadda Magaaladaasi

0
708

Qore Khadar Cabdi Muuse

Gabiley (Dawan): Maayarka degmadda Gabiley ayaa digniin adag u diray bulshadda magaaladaasi ee dhismeyaasha iyo dhulkoodda uu saamayn doono qorshaha balaadhinta jidka magaaladda dhex mara.

Waxaanu si gaara fariinta ugu diray dadka degan jidka la balaadhinayo hareerihiisa ee ay arrintaasi saamayn doonto dhismeyaashoodda, Beerahooda iyo Seesaska-ba.

Maayarka Gabiley ayaa carabka ku adkeeyay in cidii isku dayda in ay ka hor timaado qorshahaasi ay tallaabo ka qaadi doonaan, isla markaana aanay jiri doonin cid loogu habrado.

Maxamed Cumar Cabdi, waxaa uu sidan ka sheegay hadal uu ka jeediyay madal shalay lagu daah-furayay naqshadayn loo samaynayo magaaladda Gabiley.

Maayarka oo faahfaahin ka bixiyay u jeedadda qorshahan lagu balaadhinayo jidka dhex mara magaaladda Gabiley iyo saamaynta uu yeelan doono waxa uu yidhi “Waad aragtaan oo intaa la soo sameeyay waxaa inoo kala cad Waddadii iyo dhulkii, inta aynu u jeednaana waa intaa.

Farxad gaara ayay noo tahay ka gole degaan ahaan, waana shaqo aad iyo aad u wanaagsan. Waxaanay ka mid tahay wax qabadka golaha degaanka Gabiley, oo aanu ugu tallo galnay in la naga dhaxlo, oo aanu ugu tallo galnay in caqabadihii arrimihii dhulka anaga naga qabsaday, aanu golaha nagu xigaa la kulmin”.

Maxamed-Aamin Cumar Cabdi, waxa kaloo uu tilmaamay in qorshahan ay uga dan leeyihiin qurxinta bilicda magaaladda.

Waxaanu yidhi “Hawsha badankeedu waxay u taallaa dadka reer Gabiley, waxaanan fariin u dirayaa dad weynaha reer Gabiley, ee halka kiiloo mitir (1 KM) uu saamayn doono qorshahaasi.

Wuxuu saamaynayaa Seesas, hore loo Seesay, oo sidaa aad arkayseen ay Wadooyinku mareen, oo meesha ka baxaya. Wuxuu saamaynayaa oo uu meesha ka saarayaa Beerro ay dad lahaayeen oo ay qodanayeen.

Labadaaba dadka waxaanu ugu baaqaynaa in ay u diyaar garoobaan, oo wixii Baliyo ah, wixii Beero ah, iyo wixii Seesas ah, intuba meesha way ka baxayaan”.

Isagoo hadalka sii watayna waxa uu yidhi “Waxaana ka muhiimsan qorsha magaaladda loo samaynayo. Dadka waxaanu ugu baaqaynaa in ay gacmo furan ku soo dhaweeyaan.

Sidoo kale digniin ayaanu u diraynaa. Shaqadaas oo socota qofka reer Gabiley ah ee isku daya, in uu hor istaago ama carqaladeeyo, tallaabo adag oo aan naxariis lahayn ayaa laga qaadi doonaa”.

Geesta kale maayarka Gabiley ayaa sheegay in aan cidnaba loogu habran doonin hawshaa danta guud ah ee socota, isla markaana haddii loo baahdo la dumin doono wixii guryo, beero ama Seesas ah.

“Waxaanu ugu baaqaynaa cid alla cid loogu habranayo, hawlahaa danta guud ah ee socda ma jirto. Haddii magaaladda gudaheedda loo baahdo in guryo dhisan la baabiiyo, si magaaladda loo qurxiyo, cid lagu ixtiraamayaa sheekh iyo shariif midnaba ma jirto. Waayo? Danta guud ayaa ka horaysa danta gaarka ah.

Guri dhisan, Sandaqad dhisan, Sees samaysan iyo Beer intaba waa la baabiinayaa, inta shaqaddaa danta guud ah iyo qurxintu socoto. Dadku taa haku tallo galaan. Cida loo wanaajinayaana waa iyaga”ayuu yidhi maayarka Gabiley.

Leave a Reply