Boqorka Iyo Khaadimka Farxaanka Ah !

0
495

Nin boqor ayaa wasiirkiisa ku yidhi “ Waa maxay  sababta uu iga farxad badan yahay Khadiimkaygu isaga oo aan haddana sabool ah, anigoo wax kasta haystana aanan farxad badan haysan?.

Wasiirka ayaa ku yidhi :”Ku Tijaabi xeerka 99 si aad u fahanto, waana in aad 99 Diinar oo aad ku duubtay warqad aad ku qortay waa 100 Diinar oo yara furan oo la moodo in badh ka daatay, dhigto albaabka gurigiisa habeenkii, ka dibna garaac Albaabkiisa.

Boqorku arinkii ayu sameeyay, khadiimkii ayaa albaabkiisa furay markiiba wuxu arkay warqadda, waana uu eegay oo tiriyay oo akhriyay inay ahayd 100 Diinaar, markii lacagta tiradeedu noqon weyday 100 ayu debedda usoo baxay isagoo raadinaya 1 diinaar halkuu ku dhacay.

Gabadhiisa ayuu soo toosiyay oo ku yidhi “ kaalay hal Diinar ayaa lacagtan ka maqane debedda inuu ku dhacay igala baadh waa habeen madow ”. Habeenkii madoobaa siday u baadhayeen ayuu waagu u barayay. Khaadimkii wuu cadhooday maxaa yeelay muu helin halkii Diinar isagoo wakhtigii hurdadana ku seegay.

Subaxnimadii isagoo murugaysan ayuu u yimi boqorka oo aan farxadii ka muuqan oo niyad jabsan. Boqorka ayaa ogaaday xeerka 99 macnaha uu leeyahay. Waxaana uu gartay in dadku ilaabaan 99 nicmo oo Allah siiyay, halka mid keliya oo ka maqan ay cadho iyo murugo ku abuurto. Waxana uu dareemay inuu isaguna kuwaasi ka mid yahay oo aanay ahayn inuu u murugooda wax ka maqan, kuna mahadnaqo waxa uu haysto ee ka badan inta ka maqan.

Leave a Reply