Dhibaatada Hogaamiyaha Aan La Dooran!

0
549

Madaxda Xukunka jecel ee keligood taliyaha ah waa kuwoaan cidina dooran oo xoog ku qabsada xukunada dalkooda. Astaamaha ay leeyihiin waa kuwo macangag ah oo si aan naxariis lahayn dadkooda u maamula taasi  oo ugu danbaysta sababta inay noloshooda ku waayaan cadhada shacabkooda.

Madaxweyne Francisco Macías Nguema waa madaxweynihii u horeeyay ee Dalka Equatorial Guinea oo ku yaalla galbeedka Afrika. Nguema wuxu dhacay saddex jeer imtixaankii Macahadka shaqaalaha markii uu dhiganayay (Civil Service).

Francisco Macías Nguema ayuu gumaystihii Spanishku ka dhigay maayarkii caasimadda Mr.Mongomo, markii danbe waxa uu noqday xubin ka mid ah baarlamankii maxamiyadii uu Spanishku xukumayay ee Equatorial Guinea.  sanadkii 1964 wuxu noqday ra’iisawlaha xukuumaddii maxaliga ahayd ee spanishku ka dhisay dalka uu gumaysan jiray.

Laakiinn sanadkii 1968 ayuu noqday madxweyn markii uu xornimada qaatay dalkiisu. Mudadii uu xilka hayay waxa lagu tiriyaa inuu ahaa nin waalan oo xubno badan oo qoyskiisa ah ayuu dilay iyo madax sare taasi oo dad badan u muujisay waalida maskaxda ee uu qabay.

Waxa uu xidhay dugsiyada iyo isbitaalada dalka, waxaana uu joojiyay dawooyinka debeda laga keeni jiray. Waxa kale oo uu manuuc ka dhigay goobaha cilaajayda ee sida dabiiciga ah wax u daweeya.   Waxa kale oo intaasi ka sii yaab badnaa markii uu dadkii si cad ugu sheegay inuu isagu yahay kan iyaga iska leh oo iyaguna ay yihiin adoomadiisa.  Waxa kale oo uu dalka ka mamnuucay in la keeno batroolka iyo qalabka kale ee dabka dhaliya.

Ninkan ayaa keligii raashinka cuni jiray isagoo isla sheekaysan jiray marka uu keligii yahay ee uu raashinka qaadanayo, qoyskiisuna way ka baqan jireen.  Bishii August 1979 ayaa afgembi xukunka lagaga tuuray kaasi oo uu hogaaminayay Teodoro Obiang Nguema Mbasogo oo hore u ahaa taliyaha ciidamada iyo wasiir ku xigeenka ciidamada isla markaana  uu adeer u aha, kaasi oo walaalkii uu ka mid ahaa xubnihii qoyskiisa ee uu dilay.  Waxaana maxkamad la saaray September  taasi oo ku riday xukun dil oo lagu fuliyay isla bishii September sanadkii 1979.

 

Leave a Reply