“Madaxweyne Baanka Dhexe Waxaa ka Dhiman Dhisme Xarun Guud” Mawliid Aadan Cumar

0
628

Qormadan waxaan kaga talo bixinayaa mudnaanta Baanka dhexe u leeyahay qaranka iyo shacabka Somalilandba,sidaa awgeed dhismaha iyo jiritaanka hay’adda Baanka dhexe shaqadiisa iyo waajibaadka uu masuulka ka yahay wuxuu ku qeexan yahay.

Qodobka 13-aad ee Dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland,oo ka hadlaya waajibaadka banka dhexe,ayaa u dhigan sidan. “ Dawladdu waxay yeelanaysaa Baan dhexe oo hoggaamiya siyaasadda iyo ilaalinta Lacagta Dalka. Waxa kale oo Ia suurto-gelinayaa furitaanka Baanan­ ganacsi iyo horu-marineed iyada oo mudnaanta Ia siinayo kuwa gaar-ahaaneed”

Haddaba qormadan oo ka kooban 4 qodoboo xambaarsan Dhismihii Baanka iyo horumarintiisa,illaalinta lacagta Qaranka iyo adkaynteeda sharcinimo iyo daryeelkeeda,horumarinta Baananka gaarka loo leeyahay iyo la xisabtankooda sida uu dhigayo Dastuurka qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Xeerka Baanka dhexe,sidaas awgeed afartaa qodob laba qodob waxaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi inuu hirgeliyo.

Laba qodobna waxaan u soo jeedinayaa Guddoomiyaha Baanka Dhexe inuu hir geliyo haddii ALLE idmo.

Sidaa darted waxaan leeyahay Madaxweynaha Qaranka Mudane Muuse,qodobka 1-aad,Mudane Madaxweyne waxaad ogtahay mudnaanta uu u leeyahay Baanka dhexe dalka Somaliland ,wuxuu masuul ka yahay illaalinta hantida Qaranka oo isugu jirta hantid shacabka Somaliland iyo hantida dawladda. Sidaa darteed waxaa qaajib ku ah goleyaasha qaranka oo kala ah Xukuumadda,golaha Baarlamaanka iyo Garsoorka in sadexdaa waaxood ee dawladda.

Haddaba Mudane Madaxweyne waxaan kuu soo jeedinayaa in aad hirgeliso arrimahan.

A.Mudane Madaxweyne waxaa jira saddex dagaal oo ay ku jiraan cadawga Madaxbannaanida Somliland waanad ogtahay in dagaal siyasadeed mid dhaqaaleba in ay ku hawlan yihiin xukuumadda Farmaajo,waxaa kale oo aad ogtahay in inuu socdo dagaal toos ah oo lagu soo qaaday xuduudaha Somaliland.

Saddexdaa dagaal waxaynu toos u aragnaa dagaalka xuduudaha balse labada kale way qarsoon yihiin. Oo dagaalka dhaqaaluhu wuu qarsoon yahay,dagaalka siyaasadda ee burburinta midnimada shacabka Somalilandna wa mid qarsoon.

Sidaa darted mudane Madaxweyne haddaan faah faahin kooban ka bixiyo dagaalka dhaqaalaha,dagaalka dhaqaalaha ee ay ku hawlantahay dawladda Soomaaliya kuma koobna curyaaminta ganacsiga dalkeena ee waxaa ka culus dagaalka baabiinta lacagta qaranka Somaliland.

Haddaba Mudane Madaxweyne adigoo ka go’aan qaadanaya qodobka 13-aad ee dastuurka qaranka,adigoo ka go’an qaadanaya astaanka madaxbannaanida qaranka Somaliland oo ah lacagta dalka,adiga oo ka go’aan qaadanaya illaalinta hantida shacabka iyo ta qaranka Somaliland waxaa waajib idinku ah guud ahaan goleyaasha dawladdu in ay go’aan ka soo saaraan in gabi ahaanba la joojiyo barnaamijyada ZAAD iyo EDAHAB., oo labadii sano ee u dambeeyay ee 2018-2019-ka naafeeyy dhaqdhaqaaqa lacagta qaranka .

Sidaa awgeed labadan adeeg oo ah adeegyo joojiyay isticmaalka noodhadhka Lacagta Qaranka, sababtuna waxa weeye, boqolkiiba 65 ilaa 75-tan, gabi ahaanba shacabku waxaa ay ka faro baxeen inay isticmaalaan lacagta kaashka ah, xata waxaa ay mareysa in caagada caanaha ah ee Miyiga ka soo gasha lacagteeda lagu diro        Saad.

Sidoo kale guud ahaan ciidaamada iyo shaqaalaha dawlada dhammaan iyo golayaasha dawladu waxaa ay mushaharooyinkood ku isticmaalaan Saad iyo E-Dahab, sidaasi awgeed mudane madaxweyne hadii aanay dawladu go’aan adag ka soo saarin waa loo wada joogaa cidii ILLAAHEY gaadhsii laba sano kadib 2021-ka.

Qodobka labaad mudane madaxweyne iyado xukuumaddu qiimayneyso, balaadhinta horumarinta xarunta guud ee Baanka Dhexe, waxaan ku soo jeedinayaa in qorshaha miisaaniyada Qaranka ee 2020-ka loogu darro balaadhnta xarunta Baanka Dhexe, waxaana fursad u ah in boqol mitir xukuumaddu ka siiso Line-ka Booliska, ee dhicna Waqooyi ka xiga, idinka oo shacabka ama qoysaska guryahaasi loo qorsheeyo loona dhiso guryo ay degaan INSHA ALLAH.

Mudane Madaxweyne waxaan ku soo afmeeraya talo gudbintaydan, waxaa ka dhiman Baanka Dhexe dhismaha gudida Baanka Dhexe ee ka qayb qaadanaya horumarka Baanka Dhexe ee Qaranka, sidaasi awgeed waxaa kugu waajib ah inaad magacowdo gudida Baanka Dhexe.

Hogaanka Baanka Dhexe waxaa u soo jeedinayaa inay hirgaliyaan labada qodob oo horumar u ah ilaalinta hantida shacabka iyo la xisaabtanka Bangiyada gaarka loo leeyahay in la siiyo sharciya Baan ahaaneed.

Sidaasi awgeed mudane gudoomiye adigoo ogsoon waajibaadka Baanka Dhexe uga masuul yahay Qaranka iyo shacanka Somaliland-ba waxaan tallo ahaan idinku soo gudbinayaa.

In Baanka Dhexe la socdo dhaq-dhaqaaqyada xisaabeed ee Baananka gaarka loo leeyahay, ee dalka ka furan sida uu jideynayo sharciga Qaranka iyo ka Baanka Dhexe

Mudane gudoomiye waxaad ka warqabtaan in dagaal dhaqaale oo dhinac kasta leh ay inooogu hayso dawlada Faderaalka Soomaaliya, hadaba idinkoo ka hortagaya dariiqo kasta ooo ay adeegsan karraan burburinta midnimada shacabka iyo dhaqaalaheena waxaan idiin soo jeedinaya, inaad ku xisaabtantaan la socodka guud ahaan dhaq-dhaqaaqyada dalka INSHA ALLAH.

Wabi Laahi Towfiiq

By. Mowliid Aadan Cumar

ALLAA MAHAD LEH

 

Leave a Reply