Hindiya oo Shaacisay Inay Somaliland ka Taageerayso Qalabeynta Cisbitaalada

0
429

Hargeysa (Dawan)- Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya ,Asish Sinha ayaa daboolka ka qaaday in dalkiisu uu Jamhuuriyadda Somaliland kala shaqeyn doono ardayda wax ka barata dhinaca caafimaadka oo ay u sameyn doonaan sidii ay u heli lahaayeen xirfadaha lagama maarmaanka ah. waxa kaloo Wakiilku caddeeyey inay dhinaca qalabeynta ka taageeri doonaan cisbitaalada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa soo xigatay warbixin Wargeyska East African Business Week, oo daabacay kulan ay Nairobi ku yeesheen Ku-xigeenka Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Sharma’arke Geelle iyo Wakiilka Dawladda Hindiya u qaabilsan Kenya Asish Sinha.

Mr. Asish Sinha wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan ardayda reer Somaliland ee danaynaya inay caafimaadka ka soo bartaan Jaamacadaha Hindiya.

Labada diblomaasi waxay wadajir u falanqeeyeen sida Somaliland iyo Hindiya u yeelan lahaayeen iskaashi Ganacsi iyo mid ku saabsan waxbarashada aasaasiga ah.

Ku-xigeenka Safiirka Somaliland ee Kenya Sharmaarke Geelle ayaa sheegay in Hindiya wax badan kaga horreyso Somaliland horumarka noocyadiisa kala duwan. “Hindiya aad ayey dalkayaga uga horreysaa dhinac kasta oo laga eego horumarka. Waxaannu doonaynaa inaanu wax ka baranno oo qalabeyno dadkayaga,”ayuu yidhi danjire Sharmaarke Geelle.

Waxa kaloo uu xusay in aanay doonaynin in shacabka Somaliland ay hawlo caafimaad uun u tagaan Hindiya, waxase uu tilmaamay in ay jiraan dhallinyaro caafimaadka ku soo baratay Hindya oo ay tahay inay ku soo laabtaan dalkooda oo ay ugu shaqeeyaan aqoontooda.

Wargeyska East African Business Week wuxuu iftiimiyey in aanay Beesha caalamku wali aqoonsan Jamhuuriyadda Somaliland, hase yeeshee ay baasaboorka Somaliland aqbaleen dalalka Itoobiya, Jabuuti, Biljam, Koonfurta Suudaan, Kenya iyo Imaaraadka carabta.

 

 

Leave a Reply