Somaliland oo ka Qaybgelaysa Shirweynaha Korodhka Dadweynaha Caalamka

0
389

Hargeysa (Dawan): – Somaliland ayaa ka qyb gelaysa Shirwaynaha caalamia ae ee korodhka dadka iyo horumrka ee (ICPD) oo si rasmi ah loogu marti qaadday Xukuumadda Somaliland.

Wasiirro ka socda Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa gaadhay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qaybgelayaan Shirka caalamiga ah ee “Korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD)”, kaas oo la qabanayo 13ka ilaa 15ka Bisha November.

Wasiirradan shirka ka qaybgelaya ayaa kala ah Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire iyo Wasiir Ku-xigeenka Qorsheynta Eng. Xuseen Ibraahim Buuni.

Dawladda Somaliland ayaa doonaysa inay shirkan uga faa’iideysato sidii ay wax uga qaban laheyd dhallinyarada Somaliland ee sii kordhaysa iyo sidii loo taabbogelin lahaa tayada waxbarashada iyo shaqooyinka, Sida uu baahiyey Wargeyska East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire ayaa sheegay inay shirkan caalamiga ah doonayaan inay wax ka korodhsadaan sida dalalka caalamku ay u maareeyeen arrimaha waxbarashadda dhallinyarada, gaar ahaan hablaha iyo shaqo abuurka.

“Haddii aanu nahay Somaliland waxaanu leenahay dhallinyaro aad u badan, kuwaas oo doonaya inay galaan suuqa shaqada,”ayuu yidhi Wasiir Sacad.

Kulan gogol xaadh u ah shirkan caalamiga ah oo Salaasadii lagu qabtay Nairobi waxa ka qaybgalay Wasiirro, Xildhibaanno Baarlamaan iyo ururro kala duwan, kuwaas oo ka mid noqon doona ergada ka qaybgali doonta Shirka caalamiga ah ee ‘korodhka dadka iyo horumarka ee ICPD).’

 

 

 

Leave a Reply