Wasiirka xidhiidhka Goleyaasha oo ka Jawaabay Hadalo ka Soo Yeeshay Xisbiyada Mucaridka

0
456

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Wasiirka Wasaaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Maxamed Xaaji Aadan,ayaa jawab adag ka bixiyay hadalo ka soo yeedhay xisbiyada Mucaaridka oo eedo aan jirin u jeediyay Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi.

Waxaanu wasiirku sheegay in Madaxweynaha qaranku uu ku suntan yahay halgankii dib u xoraynta qaranka oo uu naftiisa u huray,halgankaas oo uu naftiisa ku wayi gaadhay isla markaana ALLE xagiisa uun uu ku badbaaday ka dib marar badan oo dhaawacyo halis ahi ay soo gaadheen.

Waxaanu intaa ku daray in horumarka maanta Somaliland ay haysato iyo xorriyaddaba inuu dhalay halgankaa ay hormuudka uu ka ahaa Madaxweynaha qaranku.

Wasiirka oo shalay hadal ka jeediyay Munaasiba qalin jebin ahayd,aya yidhi. “Anigu dhaqan uma lihi in aan dadka u jawabo oo aan tixraaco laygamana baran, waxaan runtii aad iyo aad uga xumahay hadaladii uu lahaa inankii ka socday Xisbiga UCID,waanan uga nasteexaynayaa waxaan odhanlahaa Madaxweynaha iyo Masuuliyiinta maanta joogtaa waa kuwii Qaranimada Somaliland Xorriyadan iyo Horumarkan iyo Midhahan ILLAAHAY gacmahooda ku keenay,Madaxweynaha xabbadii hunguriga kaga dhacday Gabilay ayaa laga qaaday waxaana la geeyay Addis-ababa si ALLE ayuu u noolaaday waana ka lagu galay Jaamacadaha iyo Dugsiyada,halgankaa uu hormuudka ka ahaa Madaxweynaha qaranku e maanta lagu qalin jebinayo”.

 

Leave a Reply