Xisbiga Ugu Weyn Dalka Sweden oo Xiisaynaya Qadiyadda Somaliland

0
473

 

Wakiilka Somaliland ee Sweden, Danjire Sakariye Xasan Wacays Oo Wareysi Gaara Kaga Hadlay tallaabooyinkii diblumaasiyadeed ee xafiiskiisu qaaday

Hargeysa (Dawan) Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays ayaa qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo wax ku ool ah, kuwaasi oo wax wayn ka taray xoojinta Xidhiidhka labada dal ee Somaliland iyo Sweden.

Guulaha Diblumaasiyadeed iyo tallaabooyinka uu qaaday Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays, ayaa si wayn u soo jiitay xisbi siyaasadeedka dalkaasi ugu wayn, kaasi oo hadda si wayn u xiisaynaya qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland. Iyada haatanna ay dawladda Sweden hirgelisay tallaabooyin horumar u ah qaranka Somaliland.

Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden, Danjire Sakariye Xasan Wacays oo magaalada Stockhom wareysi gaara ku siiyey telefiishenka qaranka Somaliland, ayaa ka warbixiyey xidhiidhka labada dal u dhexeeya, tan iyo markii uu xafiiskaasi qabtay oo ku siman muddo laba sanno ah.

Danjire Sakariye Xasan Wacays ayaa ugu horrayn sharraxaad ka bixiyey ujeedada loo aasaasay xafiiskan, waxaanu yidhi “Xafiiskani wuxuu u shaqeeyaa qaranka Somaliland, waana xafiis dublamaasiya oo imika furan muddo laba sanno iyo badh ah, waxaanu ugu adeegnaa danta qaranka iyo danta shacabka Somaliland guud ahaan, geeska Afrika illaa Soomaali iyo Itoobiyaan, waana xafiis runtii baahi weyn aad loogu qabay, oo shaqooyin kala duwan qabta.”

Danjire Wacays waxa uu isdultaagay sababta ay Dawladda Somaliland muhiimad gaara ugu aragtay inay xafiis ka furato Sweden, isla markaana ay magaalada Stockholm noqoto goob xudun u ah hawlgalada ay ku raadinayso aqoonsiga waxaanu yidhi “Runtii waddankan Sweden waa dalalka dimuqraadiyada xad ka gaadhay, iyaga iyo inta la isku yidhaahdo Scandinavian, waa dal siyaasada adduunka iyo qaramada midoobeyba qayb ka ah, dalkan Sweden runtii siyaasadiisa arrimaha dibeddu, markaad eegto inaga [Somaliland] aad ayay muhiim ugu tahay, waana siyaasadii abuurtay ee xukuumadeenu ku go’aansatay inay xafiis halkan [Stockhorm] aynu ku lahaano.”

Waxa uu sharaxay tallaabooyinka dhinaca horumarka ah ee dawladda Sweden ka gaysato Somaliland “Dawladda Sweden waxay sannadkii 2018 la wareegtay inay noqoto hoggaanka midowga Yurub, tan iyo markii uu Ingiriisku sheegay inuu midowga Yurub ka baxayo. Runtii xidhiidh wanaagsan oo na dhexmaray oo aan ka xasuusan karo, Drs. Edna Aadan iyo wufuud badan oo wasaarada arrimaha dibedda Somaliland ka socotay oo xafiiska suurto galiyey 2018 aanu ku qabanay baarlamaanka dalkan dood, sidoo kale qoladii arrimaha dibedda ee markaasi maamulaysay barnaamijkii Somalia ee dib u habaynta new deal, dawladda Sweden waxay ahayd waddankii saddexaad ee yidhi Somaliland in si gaara mucaawinadeeda loo siiyo, runtii dawladda Sweden waxay ahayd tii suurtogalisay nidaamkaas, marka laga tago ingiriiska iyo talyaaniga. Xukuumad ahaana waanu soo dhaweynaynaa.”

Dhinaca ganacsiga iyo maalgashiga danjiruhu isagoo ka hadlaya waxa uu yidhi “Wakiil ahaan waxaan aaminsanahay, halkan muddo saddo sanadood ka badan baan joogay, qofkasta oo masuul ah oo Somaliland u dhashay dalka uu joogu ka suurtogalin karo waxyaabo waaweyn, waxan tusaale usoo qaadan karaa, annaga oo ka tixraacaynayay ujeedadii iyo hadafkii xukuumadda Muuse Biixi, dhinaca caddaaladda in wax laga qabto, waxaanu u soo bandhignay dawladda Sweden, wasaaradda arrimaha dibedda, SIDO oo hay’ad weyn ah, mudadaasi yar ee aan joognay, waxaan kuu sheegayaa, waxanu samaynay heshiis toos ah oo wasaaradda caddaaladda qaybta dembiyada iyo jeelasha iyo wasaaradeena caddaaladda ay si toos ah iyadoon cid loo soomarin ay dawlad ka dawlad tabobar loo sameeyay, in nidaamka casriga ee Swedish model laga sameeyo dalkeenii, oo ah waxqabadka ay dawladda Sweden diyaarka la tahay, waxay suurto galiyeen in loo qiimeeyo Somaliland dhaqaalaha dalka Sweden ka hesho oo ay wasaaradeeda arrimaha dibeddu hirgelisay in dhaqaalaha si toos ah oon meelna loo sii marin loo siiyo Somaliland.”

Dhaqdhaqaaqa In la aqoonsado Somaliland ayaa haatan kusoo xoogaysanaya dalkaasi, Xisbiga ugu weyn ee dalka Sweden iyo xisbiyo kale ay ka dhawaajiyeen inay baarlamaanka dalka Sweden hor dhigo doonaan ictiraaf caalamiya oo la siiyo jamhuuriyadda Somaliland. “anigu waxan u joogaa qaranka Somaliland, annagu ka xukuumad ahaan xisbi walba oo qadiyada Somaliland taageersan waanu soo dhaweynaynaa oo dano ayaanu ka leenahay. Xisbigan oo keliya keliya maaha waxa kamida xisbiga Labour-ka, xisbiga Cristian Democracy xisbiyo marka la eego saddex meelood oo meel baarlamaanka ku jira, Dhammaan waxay leeyihiin waa in la aqoonsado Somaliland, marka halkaa laga eego in Somaliland la aqoonsado, aad iyo aad bay rajadeedu ka wakiil ahaan u wanaagsan tahay, ummadda Somaliland aanu jecel nahay inaan ugu bushaareeyo.” Ayuu yidhi Wakiilka jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden, Danjire Sakariye Xasan Wacays oo wareysi dheer siiyay telefishenka qaranka Somaliland xaruntiisa Stockholm.

 

Leave a Reply