Xukuumadda oo ka Digtay Duufaano ku Soo Wajahan Deegaanada Xeebaha

0
419

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Xukuumadda Somaliland ayaa uga digtay dadweynaha ku dhaqan deegaanada xeebaha ah roobab duufaano wata oo ku soo wjahan deegaanada Xeebaha Sanaag iyo Saaxil.

Guddoomiyaha Hay,adda u Diyaargarawga Aafooyinka iyo Kaydka Raashinka Qaranka Somaliland Faysal Cali Sheekh ayaa uga digay Dadweynaha ku dhaqan Deegaamada Xeebaha Gobolada Saaxil iyo Sanaag Roobab dabaylo duufaano wata oo ku soo fool leh.

Faysal Cali Sheekh oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Duufaano Dabaylo wataa ku soo waajahanyihiin Deegaamada xeebaha Somaliland sida Berbera Laasqoray Buloxaar Maydh iyo Xiis iyo Ceelsheekh,waxaanu ugu baaqay Kalluumaysata iyo Dadweynaha deegaamada Xeebaha in ay ka feejignaadaan Duufanadaas.

Guddoomiye Faysal oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Madaama oo aanu Qaranka ugu xilsaarannahay wixii Dhibaatooyina ee Qaranka ku soo socda iyo bixinta digniinta waxa aanu xidhiidh la samaynay Hay,adda Saadaasha Geeska Afrika iyo Bariga Afrika duufaano xooggan oo ka soo kacay Waqooyiga badwaynta Hindiya,Duufaanadaas oo derejeeda lagu tilmaamy afar waxaanay saamaynteedu ka bilaabantay Dhinaca Xeebaha Cumaan waxaana la filayaa in ay usoo gudbaan dhinaca Xeebaha Somaliland gaar ahaan Xeebaha Gobolka Sanaag iyo Gobolka Saaxil sida Laasqoray Maydh Xiis Berbera Bullaxaar iyo Ceelsheekh meelahaas in ay soo gaadho duufaankaasi ayaa la saadaalinayaa,Waajibka na saarani waxa weeye in Umadda aan uga digno duufaanadaas waxaanan fariintaaa gaadhsiinaynaa shacbiga reer Somaliland Khaasatan shacbiga ku nool Goboladaa duufanadu ku soo waajahanyihiin.waxaanan uga digaynaa Kalluumaysatada reer Somaliland ee Xeebah ka Kalluumaysta inay badda iskaga soo baxaan kuwa Doonaya imika in badda ay ka Kalluumaystaan in ay ka joogsadaan,”.

Sidoo kale Faysal Cali Sheekh ayaa fariin u diray Maraakiibta Bushcardaha qaadda iyo Doonyaha ka Kalluumaysta Badda.waxaanu yidhi“sidoo kale waxaanu uga digaynaa Maraakiibta iyo Doonyaha Bushcaradaha Qaada,muddo toddobaad ah oo ka bilaanta 30 ka bisha Octoober oo la filayo in Roobab dabaylo wata in dadka deegaanadaasi ka guuraan meelaha godan waana in dadka reer guuraaga ah ee Tuulooyinka jogaa ka digtoonadaan Duufaanadaas,waxaanan ugu baaqaynaa Guddoomiyayaasha iyo Maayarada Goboladaa Duufaanadu ku soo waajahanyihhin iyo Ciidamada Badda ee Duufaanadu ku soo waajahanyihiin in taxadir Dheeraad ah ay muujiyaan illaa muddo Toddobaad ah oo ku eeg shanta bisha kow iyo tobnaad ee sannadka 2019 ka,”.

 

Leave a Reply