Guddida Qandaraasyada Qaranka oo Shaacisay Shirkadaha ku Guulaystay Qandaraasyo Loo Tartamay

0
406

Hargeysa (Dawan)- Guddida qandaraasyada Qaranka Somaliland, ayaa shaaciyey shirkadaha ku guulaystay mashaariic horumarineed, kuwaas oo hore loogu tartamay, lagana fulin doono qaar ka mida gobollada dalka.

Nuux Maxamed Xuseen Guddoomiyaha Guddida Qandaraasyada Somaliland, ayaa sheegay in mashaariicda lagu tartamay ay kala ahaayeen, Dhismaha maxkmadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex, dhismaha iyo dayac-tirka jeelka gobolka Daad-madheedh iyo dhismaha dayactirka maxkamadda gobolka Daad-madheedh.

Guddoomiye Nuux Maxamed Xuseen wuxuu sheegay in fulinta mashaariicdaas ay ku tartameen lix iyo labaatan shirkadood, kuwaas oo saddex ka mid ahi hirgalinta mashaariicdaas ku guulaysteen.

Dhismaha maxkamadda racfaanka ee gobolka Maroodi-jeex waxa ku guulaysatay shirkada dhismaha ee Muuq-dheer. Fulinta dhismaha iyo dayac-tirka jeelka Oodweyne, waxa ku guulaysatay shirkada dhismaha ee Goljano.

Dhismaha iyo dayac-tirka Maxkamadda Oodweyne waxa ku guulaystay shirkadda dhismaha ee Shaac.

Guddoomiyaha guddida qandaraasyada qaranka ayaa shirkadahas kula dardaarmay inay si habsami leh u fuliyaan mashaariicdaasi horumarineed.

Qaar ka mida masuuliyiinta degaanada mashaariicdaas laga hirgalinaayo iyo shirkadihii mashaariicdaas ku guul daraystay ayaa bogaadiyay sidii tartankaasi u dhacay iyo shirkadihii ku guulaystayba.

 

Leave a Reply