Madaxweynaha Somaliland oo Magacaabay Taliyaha iyo Taliye Ku-Xigeenka Cusub ee Ciidanka Booliska

0
1261

QoreFaysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan):- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa digreeto Madaxweyne ku magacaabay Taliyaha iyo taliye ku xigeenka ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ka dib markii uu geeriyooday 2-dii bishan taliyihii hore ee ciidanka Booliska Somaliland ALLE ha u naxariistee Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Madaxweynaha qaranku markuu arkay muhiimadda uu ciidanka boolisku u leeyahay jiritaanka qaranka Somaliland, isla markaana uu ku qancay in y hanan karaan xilka qaran ee ciidanka booliska Somaliland waxaa uu taliyaha ciidanka booliska u magacaabay Sarreeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud, halka uu taliye ku xigeenka ciidanka booliskana u magacaagay Sarreeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax.

Wareegto Madaxweyne oo ka soo baxday qasriga Madaxtooyada Somaliland oo isugu jirtay magacaabista madaxda ugu sarraysa ciidanka booliska Somaliland iyo xil ka qaadis, ayaa u dhignayd Sidan.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/XM/WM/222-375/112019 uu magacaabis iyo xilka qaadis ku sameeyey masuuliyiinta ugu saraysay ciidanka booliska Somaliland.

Wareegtadaasi

“Wareegto Madaxweyne: Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland u leeyahay dhismaha iyo amniga Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda, iyo Waaya-aragnimadooda;

Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Magaca Xilka

  1. Sarreeye Guuto, Maxamed Aadan Saqadhi Maxamuud Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.
  2. Sarreeye Guuto, Cabdi Xasan Mire Faarax, Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Ku: Sarreeye Guuto, Faarax Maxamed Mire, Taliye Ku-xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland.

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii loo garto. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad u haysay Qaranka ee Taliye Ku-xigeenka Koowaad ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxaan kaaga mahadcelinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.”

 

Leave a Reply