Madaxweyne ku Xigeenka oo Daah-furay Mashaariic Lagu Ballaadhinayo Madbacadda Qaranka

0
452

Mashaariicda Madaxweyne ku xigeenku daah furay ayaa isugu jira dhismeyaal iyo qalabayn casri ah

 

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan)- Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay daah furay mashaariic horumarineed oo xukuumadda Somaliland ku ballaadhinayso Madbacadda qaranka Somaliland, mashaacriicdaas oo isugu jira dhisme wayn oo dhawr dabaq ah iyo qalabayn makiinado casri ah loogu iibinayo Madbacadda Qaranka.

Munaasibadda lagu daah furayay mashaariicda Madbacadda qaranka lagu ballaadhinayo oo shalay lagu qabtay Xarunta Madbacadda Qaranka, ayaa waxaa Madaxweyne ku xigeenka kala soo qayb galay Maareeyaha Madbacadda qaranka Maxamuud Raage Ibraahin, Guddoomiyaha Baanka Guddoomiyaha gobolka Maroodijeex, Maayerka Caasimadda Hargeysa, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Guddoomiyaha Hay’adda Qaxoontiga iyo Barakacayaasha, Maareeyihii hore ee Madbacadda qaranka, madaxdhaqameed iyo marti sharaf kale oo tiro badan.

Madaxda waaxyaha kala duwan ee Madbacadda qaranka iyo shaqaale waynaha Madbacadda qaranka. waxana madasha laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo horumarka madbacadda iyo ahmiyadda gaar ahaaneed ee ay xukuumaddu siinayso si Madbacadda qaranku ula jaan qaaddo Madbacadaha dawladdaha ee dalalka aynu deriska nahay.

Ugu horrayn xubno isugu jira maareeyayaal hay’ado madax bannaan iyo saraakiil sarsare oo madasha ku sugnaa oo halkaas ka hadlay, ayaa bogaadiyey horumarka ay madbacaddu ku tallaabsatay iyo ahmiyadda ay xukuumaddu siinayso sidii maalgelin iyo horumarin loo siin lahaa madbacadda qaranka.

.Maareeyaha madbacadda qaranka, Mudane Maxamuud Raage Ibraahim oo isaguna madasha Daahfurka ka hadlay, ayaa ku dheeraaday horumarka ay madbacaddu samaysay iyo hiigsiga heer qaran gaadhsiisan ee la doonayo in ay noqoto madbacad daboosha dhammaanba baahiyaha ka jira Somaliland, islamarkaana lagu daabaco nooc kasta oo daabacaad ah waxaanu yidhi isaga oo arrimahaasi ka hadlaya “Hadday istaagto macnihii waxaa istaagey Wadnihii, bini’aadamka waxaa ay dadku ugu jecel yihiin waa qalbiga, haddii Wadnuhu ku istaago waxaa la leeyahay Meydka hala qaado, markaa waa Qalbigii Qaranka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi in badan markii aanu sheekeysanay in badana aanu wada hadalnay, waxaa aan u imid isaga oo fahansan oo ka dharagsan waxaa ay tahay madbacadda Qaranku, taariikhdana waa markii koobaad ee lacag dhan hal milyan oo dollar madbacada Qaranka la geliyo, waxaa garbo ii ah raga miisaaniyada Qaranka haya, ee uu kow ka yahay Dr. Sacad Cali Shire, iyo gudoomiyaha Baanka dhexe”

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, ayaa daahfurka mashaariicda dhismeyaasha iyo qalabaynta casriga ah isugu jirta intaanu daah furin hadal kooban ka jeediyay madasha, waxaanu yidhi. “Waxaa maanta (shalay) sharaf weyn iyo farxadba ii ah in aanu halkan ka daahfurno ballaadhinta Madbacadda Qaranka Somaliland, ama horumarinta madbacadda Qaranka Somaliland, taas oo lagu kordhinayo dhisme iyo qalab ay ku tartami karto, tayadeedana kor ugu qaadi karto, iyada oo madbacadu soo martay duruufo kala duwan, si duruufahaa iyo baahiyahaas loo dhameystirana, kadib markii madaxda iyo masuuliyinta madbacaddu ay soo bandhigeen duruufaha ka jira waxaa madaxweynuhu ka ogolaaday in la maalgeliyo, fikirka ay soo jeediyeena la maalgeliyo, si kor loogu qaado tayadaasi, gudoomiyaha baanka dhexe ayaa dusha ku qaatay maalgelinteeda, saddex sano kadibna dib loogu celiyo baanka, shaqadiina ay sidaasi ku sii socoto aad iyo aad ayaan uga mahad celinaya gudoomiyaha baanka dhexe.

Labadii mashruuc ee goobtani laga fulinayaana midna waa dhisme, midna waa qalabkii iyo mishiinadii cusbaa in la keeno oo mushiino tayo leha”

 

Leave a Reply