Maayarka Caasimada Iyo Masuuliyiinta W Waxbarashada oo kormeeray Dugsiyada Dawlada

0
517

Hargeysa(Dawan):- Maaayerka Caasimadd Hargeysa iyo Masuuliyiinta Waxbarashada iyo Sayniska,ayaa kormeeray qaar ka mid ah dugsiyadda dawladda ee caasimadda Hargeysa.

Maayerka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid oo kormeerka ay ku soo mareen  Dugsiyada Dawladda ka hadlay ayaa sheegay n waxbarashada dawladdu meel wanaagsan marayso isla markaana halkaa kor looga sii qaadi doono.

Waxaanu intaa raaciyay in dawladda dhexe iyo dawladda hoose ee casimadda Hargeysa ay iska kaashanayaan horumarinta waxbarashada dawladda,waxaanu iftiimiyay in sannadkan dhammaanaya markii sadexaad ay wax ka qabteen dugsiyada dawladda ee Caasimadda Hargeysa.

Waxaanu ballan qaaday in ay ardayda dugsiyada dawladda dhigta u hirgelinyaan in ay dugsiyo quruxbadan oo deegaan sami ku yaalla in ay wax ku bartaan,wxaanu farriin u diray bulshada caasimadda.

waxaa kale oo isna kormeerka ka hadlay agaasimaha guud ee wsaaradda waxbarashada iyo Sayniska.

Haddaba warkaas oo faah faahsan halkan ka daawo.

Leave a Reply