War Degdeg ah:Madaxweyne Deni oo Maamuus ka Xayuubin Lagu Soo Oogay kaga Jawaabay Dagaal  Garoowe uu ka Qarxiyay  iyo Tirada dhimo ee la xaqiijiyay

0
506

Garoowe(Dawan):- Madaxweynaha maamul goboleedka Soomaaliya ee  Puntland Siciid Cabdilaahi Deni,ayaa weerar Millatari kaga jawaabay maamuus ka xayuubin ay ku soo oogeen Baarlamaanka maamul goboleedkaasi.

Weerarka millatari ee ciidanka Madaxweyne Deni ku qaadeen xarunta Paarlamaanka Puntland oo caawa fiidkii xaruntaas gaadhay ayuu dagaal ku dhex maray isla xarunta Baarlamaanka ee Garoowe ilaaliadii xarunta iyociidanka Madaxwynaha maamul goboleedku baarlamaanka u diray n ay qabsadaan si ay uga hortagaan mooshin maamuus ka xayuubin ah oo xildhubaanadu ku soo oogeen ka dib markii uu waayay xildhibaano taageera oo mooshinkaa ka difaaca.

Dagaalka caawa xarunta Baarlamaanka Puntland ee Garoowe ka bilaabmay ayaa sababay inta la ogyahay qasaare dhimasho oo afar qof oo uu ku jiro ganacsade deegaankaas caan ka ahaa.

 

Wararka laga helayo Garoowe,ayaa intaa ku daraya in illaa saqbadhkii dagaalku uu socday isla markaana labada dhinac ay isu adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

 

Leave a Reply