Xukuumadda Somaliland oo Soo Dhaweysay Go’aanka Geesimadda leh ee ay Gaadheen Beelaha Ceel-Afweyn

0
397

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirrada wasaaraddaha warfaafinta mudane Maxamed Muuse Diiriye iyo arrimaha gudaha mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa bogaadiyay labadii beelood ee walaalaha ahaa ee dirirtu ku dhexmartay deegaanka Ceel-Afweyn, oo colaad muddo badan soo jiitameysay ay ka dhaxeysay, hase ahaate iyagu si iskoodu isugu yimid islamarkaaga gaadhaag heshiis nabad-geliyo, kuna heshiiyay xoojinta nabadgeliyada dhexdooda, is dhexgalka bulshada iyo adkeynta walaalnimo.

Sidoo kale wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa sheegay in isaga oo ku hadlaya afka golaha wasiiradda, madaxweynaha iyo ku xigeenka in uu ku hanbalyeynayo go’aanka geesimadda leh ee ay ka gaadheen colaadii mudada badan soo jiitameysay.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Maxamed Muuse Diiriye isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Tallaabadaasi waa tii loo baahnaa, waatii ay ku jirtay danta dadka wada dega ee walaalaha ahi, danta Qaranka iyo guud ahaanba, waxaa aanu leenahay hawshu waa intaasi oo aad uga sii dhawaataan, oo aad tuutaha u xidhataan guntigana aad u giijisataan, una soo jeedaan oo sida ugu dhakhsaha badan ee ugu haboon aad hawshaasi inooga soo gaba-gabeysaan, hawshaasi umaddi meesha wada deganeyd dadka ayay ka reebtay, dowladana waa ay ragaadisay waxaanu leenahay raganimo ayaad maanta u badheedheen idinka oo labadii walaalaha ahaaya, waanu idin hanbalyeynaynaa.”

Dhanka kale wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland mudane Maxamed Kaahin Axmed isaga oo ku hadlaya afka golaha wasiiradda iyo ka madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa waxaa uu labadaasi beelood ku hanbalyeeyay go’aanka geesimada leh ee ay ka qaateen xalinta colaada mudada badan soo taagneyd, waxaanu yidhi “Labada dhinac waxa ay aad iyo aad u sameeyeen dhabar adeyg, dadaal, daacadnimo, adkeynta nabada, iyo wada noolaanshiyaha labada deegaan, saaka waxaa uu ka furmay shirkii magaalada Ceel-Afweyn, si aad iyo aad u qurux badan oo walaaltinimo leh, oo sokeeye leh, oo tol iyo xidid leh, oo deegaan leh, ayay saaka shirkoodi ay u fureen, go’aamo rasmiya oo lagama maarmaana oo midha dhala oo dhaxal-galana waa ay isla qaateen.

Maanta waxaa aynu ognahay halkan waxaa ku shiraaya dhammaan golaha wasiiradda dawlada Jamhuuriyadda Somaliland, madaxweynuhu hogaaminayo, madaxweyne ku xigeenku iyo dhammaan wasiiradda, waxaa go’aan lagu gaadhay in la hanbalyeeyo, aniga oo ku hadlaya magaca golaha wasiiradda, madaxweynaha iyo ku xigeenka waxaan aad iyo aad u hanbalyeynaynaa, qaraarka ay soo saareen labada dhinac, waanu idinku hanbalyeynaynaa, waanu idinkula jirnaa, waayo nolosha ayaa ina fareysa meesha nololi taallo ayay nabadina taallaa, oo horumaryaala oo bulshada guud ahaantii ay dantooda iyo noloshoodu ku jirtaa”

 

Leave a Reply