Shaqaale Hawleedka Nadaafadda ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo loo Fidiyey Tababbar

0
408

Hargeysa, (Dawan)- Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumeysiga ayaa tababbar casri ah oo noociisu dalka ku cusub yahay u soo xidhay shaqaale hawleedka Nadaafadda u qaabilsan Xarunta Wasaaradda.

Tababbarkan oo ay bixinaysay Shirkadda Adeega Nadaafada ee TOP CLEAN SERVISE, ayaa ujeedadiisu aheyd sidii kor loogu qaadi lahaa Aqoonta iyo Xirfada Shaqaale hawleedka Nadaafada ee Xarunta Wasaaraddaasi oo tiradoodu dhan tahay 17 Shaqaale oo dhammaantood Dumar ah.

Ugu horreyna, Tababbarka Shaqaale hawleedka Nadaafada ee Xarunta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumeysiga oo lagu qabtay Hoolka Wasaaradda ee magaalada Hargeysa ayaa waxa uu socday muddo toddoba maalmood ah, waxaana shirkadda Adeega Nadaafada ee TOP CLEAN SERVISE ay shaqaalahaasi ku bartay oo ay u gudbisay duruus si heer sare ah oo cilmiyeysan casrina ah ay ugu soo diyaarisay oo ku aadan Shaqada Nadaafada ee shaqaalahani u xil saaran yihiin, iyadoo halkaasi lagu baray qaababka ugu habboon ee Nadiifinta iyo sida loo isticmaalo Agabka kala duwan ee Nadaafadda, isla markaana looga hawlgalo xafiisyada xasaasiga ah ee Dawladda.

Guddoomiyaha Shirkadda Adeega Nadaafada ee Top Clean Service Md Maxamed Aadan Dugsiiye ahna Macalinka Tababbarkan bixinayey ayaa waxa uu sheegay in shaqaalahaasi ay tababbarka uga soo qayb galeen si wanaagsan oo ay ka faa’iideysteen, sidaasi darteedna Tababbarkan intii uu socday ay ku barteen dhinacyo kala duwan oo kaabi kara xirfadooda shaqo, iyo tilmaamaha sida loo nadiifiyo xafiisyada xaasaasiga ah iyo hannaanka waraaqaha muhiimka ah looga ilaaliyo in la dayaco ama la daadiyo xilliga hawsha nadaafadu socoto, waxaanu Macalin Dugsiiye uu kula dardaarmay haweenkii tababbarka dhameystay in Aqoontii iyo Xirfadii cusbeyd ee ay barteen ay ku dabbaqaan shaqadooda.

Sidoo kalena, Xubno ka mid ah Shaqaale hawleedka Nadaafada ee la siiyey Tababbarka kor loogu qaadayo Aqoonta iyo Xirfada ay shaqadan u leeyihiin ayaa iyaguna tilmaamay in uu faa’iido weyn u lahaa tababbarkan, isla markaana ay si weyn ugu mahadnaqayaan Shirkadda Adeega Nadaafada Top Clean ee tababbarka bixinaysay, waxaanay xuseen in ay shaqadan ku soo jireen muddo dheer, balse tababbarku uu yahay markii ugu horreysay ee loo fidiyo.

Dhinaca kalena, Xubno ka mid ah masuuliyiinta Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Kalluumeysiga ee ka soo qayb galay xaflada xidhitaanka tababbarka nadaafada ayaa u mahadnaqay shaqaalaha tababbarka loo soo xidhay iyo waliba Shirkadda Adeega Nadaafadda ee Top Clean ee fulisay Tababbarkaasi.

Intaasi kadibna, Wasiirka Wasaaradda Xanaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumeysiga Mudane Xasan Maxamed Cali (Gaafaadhi), ayaa si qoto dheer uga warramay ahmiyadda ay nadaafadu u leedahay dadka iyo dalka ba iyo sida loogu baahan yahay in mar kasta loogu barraarugsanaado, maadaama oo ay nadaafadu halbowle u tahay bad-qabka deegaanka iyo Xarunta shaqada oo ay u suurto gelinayso masuuliyiinta iyo Shaqaale weynaha kale ba iyo Bulshada loo adeegayo ba kalsooni iyo horumar.

Wasiirka waxa kale oo uu ka hadlay ahmiyadda tababbarkani leeyahay waxaanu yidhi, “Waxaan u mahadcelinayaa Shirkadda Adeega Nadaafadda ee Top Clean oo noo suurto gelisay in aanu tababbarno gabdhaha Nadaafadda u qaabilsan Wasaaradda, maadaama oo uu tababbarkani yahay kii ugu horreeyey ee Shaqaalahani loo fidiyo, waxaan u ballan qaadayaa haweenkan la tababbaray in mar kasta la dhiirigeliyo maadaama oo tan iyo intii ay shaqada billaabeen aanay helin tilmaan iyo xirfad-kordhinba”.

Ugu dambeyntiina, Wasiir Gaafaadhi waxa uu si weyn ugu mahadnaqay Shirkadda Adeega Nadaafadda ee Top Clean oo uu sheegay in ay dalka ku soo kordhisay Aqoon iyo Xirfad casri ah oo loo baahnaa, sidaasi awgeed waxa uu halkaasi Shahaadooyin iyo abaal marino kale ba uu ku guddoonsiiyey guud ahaan 17kii Gabdhood ee tababbarkaasi qaatay.

Tababbarkan ayaa Shaqaale hawleedka Nadaafadda u noqonaya qiimeyn iyo qadarin u gaar ah oo la siiyey oo ay mudan yihiin.

 

 

 

 

Leave a Reply