Wasaaradda Shaqo-gelinta oo War-murtiyeed ka Soo Saartay Shirweynihii Hirgelinta Qoondada haweenka

0
423

Hargeysa (Dawan)- War-murtiyeed ka soo baxay Wasaaradda Shaqo-gelinta, Arrimaha Bulshada iyo Qoyska ee Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga hadlay sidii loo hirgelin lahaa qoondada loogu talogalay in haweenku kaga qaybgalaan golayaasha qaranka Somaliland.

War-murtiyeedkan oo la soo saaray dorraad, waxa lagu sheegay inuu xambaarsan yahay is-afgarad ka soo baxay shirweynihii qoondada haweenka Somaliland ee lagu qabtay magaalada Boorama ee Gobolka Awdal taariikhdu markii ay ahayd 16 ilaa 17 October 2019, kaasoo nuxurkiisu ahaa in laga wada shaqeeyo sidii loo hirgelin lahaa qoondada haweenka, isla markaana loo ansixin lahaa sharciga ogolaanaya qoondada ee loo baahanyahay in la dhaafiyo Baarlamanka Somaliland (Guurtida iyo Wakiillada).

War-murtiyeedkan oo faahfaahsan waxa uu u qornaa sidan; “Shirweynihii Hirgellinta Qoondada Haweenka ee lagu qabtay Gobolka Awdal, magaalo madaxdiisa Boorama, 16-17-kii October 2019, waxaa ka soo qaybgalay wufuud iyo marti-sharaf heersare ah oo ballaadhan. Waxa hoggaminaayay waftiga ka soo qaybgalay shirka Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxman Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ay la jiraan Wasiirro dhan afar oo leh mug iyo miisaan.

Sidoo kale, waxa shirkaas qaybweyn ka ahaa Golaha Wakiillada oo ay metalayeen Guddi khaas ah oo u xilsaaran horumarinta shuruucda la xidhiidha ka qayb-galka siyaasadda ee haweenka. Madaxda saddexda Xisbi Qaran (UCID, WADDANI iyo KULMIYE), ururrada bulshada, haweenka, xisbiyada iyo bulshada caalamka oo ay ugu horreeyaan Hay’addaha Qarammada Midoobay iyo Midowga Yurub.

Nuxurka Shirweynihii Qoondada Haweenka ee Boorama ka qabsoomay markii taariikhdu ahayd 16-17 kii Aktoobar, 2019.

Shirka waxa si weyn loogu falanqeeyay fursadaha iyo caqabadaha ku geddaaman sharciyeynta iyo dhaqan-galinta Qoondada haweenka.

Waxa shirku ammaanay doorka ay Dowladdu (Baarlamaanka iyo Xukuumadda) ka qaadanayso sharciyeynta iyo hirgalinta qoondada haweenka.

Sidoo kale, waxa la isla qiray dedaalka loo baahan yahay in laga galo hirgalinta nidaamka qoondada haweenka.

Waxa la go’aamiyay in si wado jir ah looga shaqeeyo qoondada, iyada oo la raacayo hab midaysan oo loo dhan yahay.

Waxa loo soo jeediyay Xukuumadda in ay dedaalkeeda ku aaddan ansixinta iyo dhaqan-galinta qoondada haweenka joogtayso.

Waxa shirku u soo jeediyay xisbiyada qaranka in ay hirgeliyaan qoondada iskeeda (voluntary party quota) ee xisbiyadu sameeyaan, si kor loogu qaado ka qaybgalka haweenka ee dhinaca siyaasadda.

Shirkweynuhu waxa uu Baarlamaanka Somaliland ka codsanayaa in ay ansixiyaan Qoondada Haweenka, si isbeddel taariikhi ah loo sameeyo.

Iyana, waxa aad looga dooday, kaalinta Golayaasha Baarlamaanku ku leeyihiin kor u qaaddida ka-qaybgalka siyaasadda ee haweenka, iyada oo loo soo jeediyay in dhug gaar ah u yeeshaan xeerka doorashooyinka, gaar ahaan qoondada haweenka iyo nidaamka loo raacaayo oo dhammaystiran.

Waxa iyana la soo jeediyay in xisbiyadu ka wada shaqeeyaan sidii qoondada haweenka loo hirgelin lahaa, iyaga oo midaysan.

Waxa la isla qaatay xoojinta midnimada haweenka xisbiyada qaranka ku jira.

Waxa uu shirku dhiirri-gayay, isla markaasna ammaanay samaynta iyo jiri taanka Guddiga Golaha Wakiillada ee khaaska u ah shuruucda la xidhiidha horumarinta arrimaha haweenka, gaar ahaan qoondada.

Waxa uu shirku taageeray iskaashiga guddiga gaarka ah ee Golaha Wakiillada iyo iskaashiga haweenka reer Somaliland ee siyaasadda ku jira.

Dhammaan ka soo gaybgalaysaahii shirku waxa ay go’aansadeen, isla markaasna saxeexeen ka go’naanshaha iyo ka shaqaynta qoondada haweenka.

Ugu dambayn, shirku waxa uu isku raacay, isla markaana go’aamiyay in si mug leh oo aan hagrasho lahayn looga shaqeeyo sidii dhammaan caqabadaha ku gedaamman qoondada haweenka looga qaadi lahaa,” ayaa lagu yidhi war-murtiyeedka ka soo baxay shirkii qoondada haweenka ee lagu qabtay magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal.

 

 

 

Leave a Reply