Wasaaradda Arrimaha Gudaha oo Digniin u Jeedisay Qaybo ka mid ah Bulshada

0
619

Hargeysa (Dawan)- Wasaaradda arrimaha gudaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bulshada degan meelaha biyo mareennada ah uga digtay halisaha ka iman kara roobabka.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo warbaahinta kula hadlay caasimadda Hargeysa ayaa sheegay in hay’addaha saadaasha hawadu ay sheegayeen roobab dabaylo wata, kuwaas oo ka di’i kara meelo ka mida xeebaha dhanka bari ee Somaliland.

Wasiirku waxa uu intaas ku daray in ay dadweynaha uga digayaan dabaylahaas, waxaanu u soo jeediyey inay aad u digtoonaadaan dadka degan meelaha godan ee biyo mareennada ah, isla markaana ay u baxaan meelaha taagaga ah, si aanay dhibaato uga soo gaadhin roobabkaas dabaylaha wata.

Wasiir Maxamed Kaahin wuxuu maamulada gobollada iyo degmooyinka faray inay u diyaar garoobaan sidii ay caawimo uga gaysan lahaayeen haddii roobabkaasi dhibootooyin bulshada u gaystaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland waxa uu dadka kaluumaysatada ah ee doonyahoodu baddaha ku jiraan u soo jeediyay inay ka feejignaadaan roobabkaas dabaylaha wata ee la saadaalinaayo inay ka da’aan xeebaha bariga JSL.

Leave a Reply