Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga oo Guddi u Magacaabay Taakulaynta Baladweyne

0
896

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan) Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Jahuuriyadda Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa Magacaabay Guddida Taakulaynta dadkii ku waxyeeloobay masiibada ka dhexday magaalada Beledweyn ee dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ay dhibaato weyni ka soo gaadhay daadad ka soo rogmaday fatahaadda wabiga ee Deegaankaasi.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo shalay Warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu sheegay in guddidan uu magacaabay ay soo ururin doonto Qaadhaanka loogu deeqayo dadkii Magaalada Beledweyne ee uu Saameeyay daadadka ka dhashay fatahaada webiga Shabbeele oo sababay in ay Brakacaan Bulshada halkaasi ku dhaqnayd.

Jamaal Caydiid Ibraahim oo arrimahasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan Magacaabay guddida dhexe oo ururisa gaadhaanka loo gurayo dadweynaha Baladweyne, maadaama maalmihii ugu dambeeyay Somaliland laga abaabulayay Qaadhaanka loo ururinayo, si aynu Qaadhaankaa u soo u rurino ayaan Magacawnay guddidan, waxaana aanu arintan ka wadahadalnay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo isaguna nagu booriyay in aanu hawshan galno, Xukuumadduna diyaar u tahay in si wayn uga qayb qaadato sidii taakulo loo gaadhssin lahaa dadka Mgaalada Baladweyne. Waxaana aanu Magacawnay dad aad looga yaqaano Somaliland, isla markaana yaqaana dhibaatooyinka dhaca sida loogu gurmado”.

Jamaal Caydiid Ibraahim ayaa waxa uu shaaciyay Magacyada Guddidan uu magacaabay, waxaana gamacyada xubnaha guddidaasi ay kala yihiin sidan:

  1. Jamaal Caydiid Ibraahim
  2. Kayse Shugri Jaamac
  3. Mxamed Axmed Faarax
  4. Sheekh Ciise Maxamuud Cabdilaahi
  5. Cabdiraxmaan Cali Cabdi
  6. Sheekh Maxamed Cali Geedi
  7. Sheekh Aadan Maxamed Buuxame
  8. Cabdiwahaab Maax Maxamuud
  9. Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali
  10. Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed

10.Xasan Axmed Xuseen Xasan Bulbul

  1. Suldaan Axmed Xasan Jaamac
  2. Cali Ibraahim Ciise (Cali Waraab)
  3. Sheekh Maxamed Aadan Candhoole
  4. Dr.Farxaan Liibaan Axmed
  5. Sheekh Cabdiraxmaan Aw Axmed
  6. Abwaan Yusuf Shaacir
  7. Xamse Cumar Ku Joog.

 

Leave a Reply