Guddoomiyaha Golaha Guurtidda oo Bulshada Somaliland ugu Baaqay in ay Caawiyaan Dadka Reer Baladweyne

0
473

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha golaha guurtidda Somaliland mudane Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay in ay u gurmaadaan, dadka reer Baladweyne ee ay fatahaada wabiyadu barakiciyeen.

Sidoo kale guddoomiye Saleebaan Maxamuud Aadan waxaa uu dadweynaha ku dhaqan magaalada Beledweyn ee dalka Soomaaliya uu ILLAAHEY uga baryay in uu dhibta gees mariyo.

Saleebaan Maxamuud Aadan gudoomiyaha golaha guurtidu isaga oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi “Waa niman Soomaaliya, waa dadkeeni, aafo ayaa soo gaadhay oo biya ayaa qaaday, daad ayaa meel walba dumiyay.”

Guddoomiyaha golaha Guurtida Somaliland waxa uu intaasi ku daray “Dadkaa ha loo gurmado, haddii aan wax kale lagu tarayn haloo duceeyo, ILLAAHEY ha gargaaro, ILLAAHEY ha dhibta haka feydo, waa barwaaqe ILLAAHEY inteeda aafada ahna ha ka duwo, hadii aynu wax heynana aynu tabaruucaad u dirno, waa sadaqee.”

 

 

 

Leave a Reply