Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo si Adag ugu Jawaabay Dr Gaboose

0
586

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa jawaab adag ka bixiyay eedo uu Dr. Maxamed Cabdi Gaboose shalay u jeediyay xukuumadda Somaliland.

Dhanka kale, waxaa uu wasiirku daboolka ka qaaday in Dr. Maxamed Cabdi Gaboose uu yahay Dhaktar u adeego kaliya inta lacagta heysata, ee aanu daneyn dadka danyarta ah.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta dhaqanka iyo wacyigelinta mudane Maxamed Muuse Diiriye, waxa uu sidan ka sheegay wareysi uu siiyay Idaacadda VOA, laanteeda afka Soomaaliga, isaga oo ugu horreyn arrimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi ” Dr. Gabboose muu eedayn xukuumadda hadda jirta oo kaliya ee xukuumaddihii dalka soo maray oo dhan wuu eedeeyay, waana kuwii uu xilalka ka soo qabtay. Xukuumaddii madaxweyne Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal muddo kooban ayuu xil ka hayay, waana ninkii saddexddii habeennimo loo qoray warqadda eriga ah.

Gaboose waxa uu yidhi waan xamili  kari waayay sidii wax loo tasarufayay iyo dadkii la isku dirayay, Gaboose intaas oo dhan wuu joogay isaga oo ah wasiirka arrimaha gudaha ah muddo yar oo kooban.

Gabboose wuxuu ahaa ninkii keligii maxkamada noqday, shir beeleed ayuu ka qeyb galay, marka uu beelo ka hadlayo, isaga ayaa dadka wax xumanaya ee dadka kala fogeynaya ka mid ahaa.”

Wasiirka warfaafinta mudane Maxamed Muuse waxaa uu sheegay in Dr. Gaboose uu yahay nin dhaktar ah oo leh Cisbitaal weyn, balse aanu u adeegin dadka danyarta ah ee ay ahayd in uu u naxariisto, waxaanu yidhi “Dr. Gaboose waa dhakhtar weyn oo aan u adeegin dadka faqiirka ah, balse u adeega dadka wax haysta, waxaa habbooneyd in dhakhtarka uu maanta gacanta ku hayo uu xirfadiisi ah in uu shacabka danyarta ah ugu naxariisto maanta ayuu gacanta ku hayaa oo ay xirfaddiisi tahaye in uu u naxariisto dadka danyarta ah ee aan awoodin lacagta tigidhka ee uu ka qaado ee aanay cidiba awoodi karin, markaa waxaan odhan lahaa taa ka shaqee, haddii uu meel kale sheegayana dalka dhibaato kama jirto haddii aanu isagu abuurayn.”

Wasiir Maxamed Muuse Diiriye isaga oo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi “Meel dhibaato ka jirto ma hayno haddaanu isagu abuureyn, jabhada uu sheegayaa waa Caarre oo maalin kaliya kamuu hadal. Wabarna reerkiisa ayaa hortaagan, Itoobiyana waanu ka wada hadalnay, heshiisyo ayaa laga gaadhay, arrinta doorashada odayaasha beeshiisa ayaa ka hadlay, waxaa uu u qodqodayaana waa arrin kale laakiin way ka fashilantay.”

 

 

Leave a Reply