Ceel Afweyn: Dhammaadka Colaad Jiitantay iyo Go’aan Qaadashada Curashada Nabadgelyo Waarta

0
41

Yididiilo Laallayd oo la Daweeyay iyo Dugsiyadii Waxbarashada oo dib loo Furay

Qore Faysal Xiis Afgaab

Hargeysa (Dawan);- Guud ahan bulshada Somaliland waxaa nabar iyo boog damaq xannuun badan  ku ahaa muddo ku dhaw afar sanno colaad daba dheeraatay oo galaafatay dad badan oo ahaa ehel, taas oo ahayd dirir laba beelood oo walaalo ah ku dhex martay deegaanno kala duwan oo ka tirsan degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag.

Bulshada Somaliland oo ay guud ahaan dhaqan u ahayd wada hadalka iyo isu tanaasulka, isla markaana mushkilad kasta oo dhexdooda ka dhacda u heli jiray xal deg deg ah oo ay ku daweeyaan, laguna kala bogsado, ayaa waxa deminta colaadaasi dedaal badan u galay wakhti iyo adduun badanna geliyay sidii loo soo dhammayn lahaa xukuummadda maanta talada haysa ee uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, goleyaasha qaranka ee waliilada iyo guurtida, asxaabta qaranka culimada dalka, madaxdhaqameedka Somaliland iyo xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Arrintaa si xal waara looga gaadho waxaa iskaga daba noqday oo u kala dab qaaday labada beelood madaxda ugu sarraysa qaranka oo uu gadhwadeen u ahaa Maadaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaacil, madaxda asxaabta qaranka wsiirro, culimada Somaliland iyo madaxdhaqameedka dalka oo ka soo gurmday gobolada dalka oo dhan.

Waxaa kale oo intaa dheeraa in xukuumaddu ciidankii qaranka ee u taagnaa difaaca qaranka, isla mrkaana dalka cadawga ka jirayay in dawladdu ku kala badbaadisay labada beelood ee walaalaha ah oo kala dhex dhigtay iyadoo ay jiraan dhimasho iyo dhaawac kala badbaadinta labada beelood ka soo gaadhay ciidamada qaranka.

Colaadda labada beelood oo gaadhay halkii ugu sarraysay isla markaana galaafatay is dhexgalkii bulsheed, waxbarashadii da’yarta, isla markaana sababtay in ay xidhmaan dugsiyo badan oo waxbarasho oo ku yaallay degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag iyo deegaanada hoos yimaadda.

Colaadda labada beelood oo noqotay mid  muddo badan xalkeeda la doonayay, ayay ugu dambayn madax dhaqameedka labada beelood oo taageero nabadeed ka helayay xukuumadda Somaliland, ay ku dhawaaqeen maalintii Axaddii  oo ay taariikhdu ahayd 03,11,19 in ay isla qaateen xabbad joojin buuxda iyo nabad guntanta oo aan cidna loo daba fadhiisanayn.

Waxaanay madaxdhaqameedka labada beelood wada jir u soo saareen 8 qodob oo ay ku midaysan yihiin, waxaanay awood buuxda siiyeen xukuumadda Somaliland oo ay u fasaxeen in ay tallaabo dawladeed ka qaaddo cid kasta oo hubaysan oo deegaankaas lagu arko, isla markaana tallaabada ay ka qaaddo ka dibna ay kala wareegto hubka uu sito oo uu sidaas ku noqdo hub dawladeed.

Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buurmadow oo ka hadlayay xabbad joojinta rasmiga ah ee ay labada beelood wada gaadheen, ayaa yidhi. “Waxaanu ballanqaadaynaa oo aanu ILLAAHEY hortii ka ballanqaadeynaa in dadkaasi maanta (Arbacadii dorraad) laga bilaabo isugu kaayo mid yahay, sidaasi ayaanu ku soo arrinsaney beelihii shirayay haddii aanu nahay, oo qabiil gaara noqdo kii dhibaatada wada, xukuumadda iyo shacabkuna sidaas ayay nagula shaqeynayaan ILLAAHEY waxaanu ka baryeynaa cidkasta oo dhibaato ugu maqanna in uu ka qabto.”

Suldaan Maxamed Xirsi Qani oo isna ka hadlay go’aanka nabadeed ee ay  labada beelood wada qaateen iyo siday ka madaxdhaqameed ahaan uga go’antahay, ayaa yidhi. “ILLAAHEY waxaa aanu ka baryeynaa in ay noqoto mid midha dhasha oo lagu guuleysto, oo lagu caano maalo, oo waarta, waxaa kale oo aanu sheegaynaaa in aanu hiil iyo hooba la garab taagannahay nabadaasi sidii ay u hirgeli laheyd, inay hirgasho wixii nagaga baxana diyaar ayaanu u nahay”

Siddeedda qodob ee laga soo saaray xallinta colaaddii Ceel-afweyn, oo shirkaa laga akhriyay ayaa ahaa sidan.

“Maanta oo Axad ah, kuna taariikhaysan 03/11/2019 waxa uu Heshiis Xabad-joojin ah ku dhexmaray magaalada Ceel-afweyn labada beelood ee walaalaha ah ee IDARAYS iyo BAHO ee fitnada iyo colaadda sokeeye ka dhex taaganayd muddada afarta sanno ah.

Qodobadda heshiiskaas oo ka kooban 8 qodob ayaa ah sidan:

  1. In labada beelood ay ka hirgeliyaan dhammaan deegaannadooda xabad-joojin buuxda, taas oo dhaqan-gal ah laga bilaabo maanta oo lagu dhawaaqay xabad-joojintaas;
  2. In qofkii/ciddii xabad-joojintaas ku dhaqmi wayda ee xabad ridda, ku hanjaba ama waxyeelo gaysta noocay doonto ha ahaatee, ay isaga ku gaar tahay; ‘Gacani waa ninle u go’do.’ Shareecaddana la marinayaa;
  3. Beel kastaa iyadaa ka mas’uul ah oo lagala xisaabtamayaa soo qabashada iyo hor keenista sharciga ciddii beesheeda ah ee jabisa xabad-joojinta;
  4. In aan hub lala dhexmari karin magaaloyinka iyo goobaha la isugu yimaaddo ee caamka ah, sida Tuulooyinka iyo Ceelasha;
  5. In ciidanka dowladdu u fasaxan yahay inuu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaado hubkana uu kala wareego cid kasta oo hub la dhexmarta magaalooyinka iyo goobaha la isugu yimaaddo ee caama ah. Hubka lala wareegana aan ciidanka lagala daba tagin.
  6. In cid kasta oo ku kacda dacaayad ama borobagaando ka dhan ah xaban-joojintaas iyo xoojinta nabadda deegaanka meel looga soo wada jeesto, tallaabo sharciga waafaqsanna laga qaado;
  7. In sida ugu dhakhsaha badan loo gudagalo shirarkii nabadaynta iyo soo-af-jarista khilaafaadka labada beelood;
  8. In beel kastaa ay qaado muddada shirarka nabadaynta lagu guda jiro tallaabooyin dheeraad ah oo ku saabsan xakamaynta dhaqdhaqaaqa deegaanka si taxadir loo sameeyo looga hortago wax kasta oo carqaladayn kara xabad-joointa.

Dhinaca kale  xukuumadda Somaliland ayaa si buuxda isu garab taagtay shikaa nabadda ee Ceel-afweyn  ee labada beelood isla qaateen iyo qodobadii ka soo baxay.

Dhinaca kale markii shir nabadeedkaaas Ceel-afweyn lagaga dhawaaqay, waxaa si wayn oo niyad sami ah u soo wada dhaweeyay guud ahaan shacabka Somaliland iyadoo maalintii Isniintina ay bulshada Degmada Ceel-afweyn ee labda Beelood ee walaalaha ah oo aan isu gudbin muddo ku siman afar sano ay markii ugu horraysay isu tallaabeen  dhanwalba la isugu tegay, taas oo meesha ka saartay colaaddii iyo isu gudub la’aantii bulshada labada beelood ee degmada Ceel-afweyn.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland oo ka dareen celiyay shirka nabadeed ee degmada Ceel-afweyn ee gobolka Sanaag, ayaa sheegay in 19 dugsi oo ku yaallay deegaanada degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag oo ay saamayn ku yeelatay colaaddii deegaanadaas ka jirtay, ay dib u bilaabeen oo ay fureen isguuladii dawladda badankoodii isla markaana ay furi doonaan inta xidhanna maalmaha soo socda.

Waxaanu yidhi. “colaadda deegaankaas ka jirtay oo afar jirsatay waxay saamayn wayn ku yeelatay waxbarashadii ubadkii dugsiyada ku jirayna waxay u kala qaxeen deegaanada labada beelood kala tageen,waxaana xidhmay 19 isguul oo ku yaalla deegaanada degmooyinka Ceel-afweyn iyo Gar-adag.

Muddada colaaddaasi ay taagnayd sannad kasta waxbarashada deegaanadaasi hoos ayay u dhacasay oo sannad dugsiyeed kasta hoos ayay usii socotay ardayda wax ku barata ee u fadhiista Imtixaanka shahaadiga ah, laakiin imika dugsiyadii durba qaar ayaan dib u furnay inta kalena maalmaha soo socda ayan ka bilabaynaa waxbarashadii.”

Nabadda lagu guddoonsaday Ceel-afweyn iyo go’aamada ka soo baxayba waxay guul u yihiin Somaliland,waxaana ku farxay guud ahaan bulshada qaranka Somaliland,waxaana ka naxay nabada iyo heshiiska Ceel-afweyn cid kasta oo cadaw ku ah Somaliland.

Curashada nabadda Ceel-afweyn-na waa dhaqan soo jireen ah oo Somaliland lagu yaqaan wada hadal iyo isu tanaasul iyo is maqalka ay caanka ku tahay ee ay kaga horrayso dalal iyo dadyaw badan oo ku dhaqan qaaradda afrika iyo caalamka kaleba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here