Madaxweyne ku Xigeenka oo Madaxda Cusub ee Booliska Dardaaran Qaran Faray

0
520

“Waxaa la Idiinka Baahan Yahay (Booliska) Halka ugu Hoosaysa Illaa Halka ugu Sarraysa In Dadkiinu Idiin Sinnaado” Mudane Saylici

 

Taliyaha iyo taliye ku xigeenka ciidanka booliska oo xilka la wareegay

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan)- Taliyaha iyo Taliye ku xigeenka cusub ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sarreeye Guuto Maxamed Aaden Saqadhi (Dabagale) iyo Sarreeye Guuto Cabdi Xasan Mire, ayaa si rasmi ah xilkii ugala wareegay Taliye ku Xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Faarax Maxamed oo xilkaa sii hayay ka dib geeridii taliyihii hore ee ciidanka Booliska Somaliland ALLE ha nu nxariistee Marxuum Sarreeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan.

Munaasibad loo qabtay xil wareejinta taliyeyaasha ciidanka booliska Somaliland oo si wayn loo soo agaasimay, isla markaana ay ka soo qayb galeen Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Aadan Xaaji Cali, wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, Xeer Illaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Cabdi. Madaxda asxaabta qaranka iyo Taliyeyaasha ciidamada qaranka.

Madaxweyne ku Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici oo munaasibadda xil wareejinta taliyeyaasha hadal ka jeediyay ayaa kula dardaarmay Ciidanka Booliska in dadku uu sinnaadaan, isla markaana ay caddaalad umadda ugu wada shaqeeyaan.

Mudane Saylici oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi. “Booliska Somaliland waxa ay hayaan Masuuliyadda Amniga Somaliland, waxa ay qabteen waa la ogyahay Ciidanka Booliska, waana la ogyahay duruufta adag ee ay ku soo Shaqeeyeen, waxaana la idiinka baahanyahay in halka ugu hoosaysa ee Booliska iyo halka ugu sarraysa ee Booliska in dadkiinu u sinaadaan Caddaaladda”.

Wasiirka Wasiirka Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed oo isaguna hadal ka jeediyay xil wareejinta, ayaa yidhi “Waxa imika gacanta lagu hayaa Kulliyaddii Saraakiisha Booliska Somaliland, taa macnaheedu maaha in Ciidanka Boolisku dhamaystiranyahay, dawladaha Caalamka jira mar walba Qaabdhismeedka Ciidamada iyo Qaabdhismeedka Niddaamka Dawladeed mar walba gacanta ayaa lagu hayaa in dib u habayn lagu sameeyo Ciidanka Booliska, waxaanu leeyahay dhisme aad u balaadhan waxa uu leeyahay gaadiid aad u faro badan, waxa uu leehay dugsiyo tababarada lagu galo”.

Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeye Guuto Maxamed Aaden Saqadhi Dabagale oo isaguna halkaasi hadal ka jeediyay, ayaa ballan qaaday in ay ku shaqayn doonaan sharciga dalka u yaalla, waxaanu yidhi. “Waxa aan farayaa Ciidanka Booliska oo aan ku adkaynayaa in ay u diyaar garoobaan shaqo adag iyo in aynu halkii hore ee ay joogeen ka sii qaadno oo aynu isbedel wayn ku samayno, waanan guulaysan doonaa wax badan rag aqoonyahan ah oo Booliska ah ayaa ila shaqayn doona sharciga ayaanan ku Shaqayn doonaa, waanan ku adkaan doonaa wixii Sharcigu qabto, gacanta ayaanu ku qaban doonaa”.

Taliyaha Ciidanka Qaranka Somaliland Sarreeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani oo isaguna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Magacaabista Taliyaha Ciidanka Booliska Sarreeeye Guuto Maxamed Aaden Saqadhi.

Sidoo kale Taliye ku Xigeenkii hore ee Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye Guuto Faarax Maxamed Mire oo hadal ka jeediyay xil wareejinta ayaa sheegay in Ciidanka Booliska ay joogaan sarraakiil karti iyo Aqoon badan. waxaanu yidhi “Booliiska waxa aan joogay muddo gaaban waxaanan ku arkay mudadaa Booliska Saraakiil karti iyo aqoon badan leh waxaanan aad ugu han waynahay in kartidaa badan ee aan ku arkay ay halkaa ka sii wadi doonaan”.

Waxaa kale oo iyaguna halkaa ka hadlay madaxda asxaabta qaranka oo dhammaantood soo dhaweeyay madaxda cusub ee la wareegtay hoggaanka ugu sarreeya ee ciidanka booliska, waxaanay ku dardaareen in ay caddaalad dadkooda iyo dalkooda ugu shaqeeyaan.

 

 

 

 

Leave a Reply