Marka hore bal aan dib u yara jaleecno raadkii Dr. Gabboose ee xilligii marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal u magacaabay in uu noqdo wasiirka Daakhiliga ee Jamhuuriyaddda Somaliland. Inkasta oo uu muddo kooban hayay xilkaas oo uu Cigaal u qoray warqaddi astaantedu ahayd “DUCO QABO” haddana muddadaa yar waxa uu Dr. Gabboose ahaa ninkii warbaahinta xeerkii loo samaynay ku daray qodob ahaa, in Saxaafad kasta oo doonaysa in ay wax soo saarto ay Wasaaradda Daakhiliga soo mariyaan wax soo saarkooda ka hor inta aanay u baahin ama gaadhsiin dadweynaha.
Madaxweyne Cigaal ayaa la amakaagay qodobkaasi oo ka saaray, una sheegay in qodobkaasi aanu meel-na ku lahayn nidaamka dunida xorta ah, balse uu yahay mid ay ku dhaqmaan nidaamyada kali-taliska ah, sida kuwa ku dhaqma nidaamka hanti-wadaaga ah iyo kuwa kale ee uu nidaamkoodu ku salaysanyahay habka Boqortooyada.
Horta Gabboosaha maanta ku baaqaya ilaalinta xorriyatul qowlku waa ka shalay hadday u mari lahayd doonayay in afka laga xidho cid kasta oo wax ka sheegta maamulkii uu ka tirsanaa ee bal maxaa laga melaysan karaa hadduu EEBBE ka dhigo Madaxweyne.
Arrimaha badan ee uu ka hadlay Dr. Gabboose badankoodu waa kuwo iska wada hor imanaya, waxaana ka mid ahaa, inkasta oo uu intii Abtinimo u hadlay, haddana waxa uu u doodayaa Madaxweyne Farmaajo iyo kuwii ka horreeyay ee aynu wax kasta oo hore inoo soo kala gaadhay aynu iska ilownay oo meel iskaga tiirinay, haddana weli ka baryeyno ‘Waarm amaan aanu idinka hello’ intiinu ha idin deeqdo, ayaa waxa uu u dhigayaa Gabboose inaan u haysano wixii Taliskii Siyaad Barre sameeyay.
Sida ka muuqatay hadalkii Gabboose wuxuu iska dhigayey oo uu hadalkiisa gaadhsiinayey Cid kale oo uu ugu horreeyo Farmaajo, Waayo? Labada Shacbi ee Muqdisho iyo Hargeysa wax Colaad ah oo dhexdooda taal ma jirto, meel kastana way wada joogaan oo waa Soomaali, weligoodna isumay bahalo-gelin labada Dad Madaxda Qaranka ee JSL ee hadda jooga iyo kuwii ka horreeyay ba.
Qodobka kale ee u baahan in la yara dul istaago waa arrinta uu isku dhex qasay Dr. Gabboose ee uu marna ku sheegayey kooxaysi, marna Jeegaan ee uu ku tilmaamayey in Bulshada lagu kala qaybiyey. Ma odhan karnaa wixii Maskaxdiisa ka guuxayey ee nacabku had iyo jeer isku dayo inuu Shacabka beesha dhexe iskaga hor-keeno ayaa si fudud uga soo booday Dr. Gabboose?, dabadeedna erayada dambe ka dhigtay Galgalasho waxa ka soo yeedhay ee kow ka ah kala-qaybinta ee ahaa ‘In Jeegaamaysan ayaa dalkii looga tagay’.
Runtii Dr. Gabboose waxyaabihii uu ku hadlay iyo wixii uu Guddoomiye Cirro shubayey waxay ahaayeen isku mid, waxayna guud ahaan ku salaysnaayeen hadalladoodu sii hurinta meel kasta oo Somaliland uu ka baxayey Qiiq lid ku ah amniga, xasilloonida iyo jiritaanka Qaranimo.
Qofka hanka hoggaamineed leh, waxa lagu gartaa inuu u muuqdo had iyo goor in uu dhayo wax kasta oo soo kala dhex gala Bulshada uu doonayo inuu berri hoggaamiyaheeda noqdo, isla-markaana difaaca Jiritaanka Qarannimada Dalkiisa, sidoo kalena la dagaalamaa af iyo Addinba cid Allaale iyo Ciddii diiddan jiritaanka Qarankiisa iyo horumarka Dalkiisa. Intaa Afkooda Cirro iyo Gabboose midkoodna lagama maqal, balse naxli kale oo badan oo iyaga keli ku ah ayay ku dhex saydhayeen Shacabka dhexdiisa.
Marka la isku soo ururriyo nuxurka hadalladii ka soo yeedhay Gabboose oo intiisa badani aanay lahayn meel uu u jeedo iyo meel uu ka jeedo toona, ay ahayd keliya in la qabto Shir-beeleed ay u odhan yihiin Beelaha ku nool Jamhuuriyadda Somaliland.
Dr. Gabboose waxa uu talo u soo jeediyey labadii beelood ee doonayey inay ku shiraan Burco oo loo beddelo Shir-beeleed ka ballaadhan, lagana dhigo Shir-beeleed ay isugu yimaaddaan Beelaha oo dhan, bal hadda arka siduu u fikirayo Dr. Gabboose ee uu ku doonayo inuu dib inoogu celiyo halkaynu ka soo guurnay Sagaashamaadkii.
Dr. Gabboose waxaanu leenahay Shir-beeleed waxa lagu soo af-jaray kii 1996-kii ee aad xoghayaha ka ahayd ee Mudane Siilaanyo sidaad wax u wadday ku tilmaamay ‘Wanjal Mudugeysan’, kaas ayaa dhalay Dastuurka Qaranka, Furitaanka Ururrada iyo Axsaabta, doorashadii Baarlamaanka iyo Xeerar kale oo badan oo xakame u ah Shir-beeleedka aad jeebka kala soo baxday, kana Astaaqfurulayso oo ku soo noqo Xayndaabka Sharciga Dalka.
Doorashada Baarlamaanka ee aad dib u dhaceeda dusha u saartay Xukuumadda hadda xilka haysana ka daa’ iyadu ma laha eeddaa ee waxa leh Xukuumaddii ka horraysey iyo Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee xeerkii doorashooyinka ku dheggan tan iyo wixii ka dambeeyay wakhtigii la doortay oo ahaa 2005-tii. Somaliland-na 30 sanno dib ha u celin ee la imoow fikrado ay hore ugu sii socon karto.