“Somaliland Waxay Caalamka Tustay in ay Wax Qabsan Karto oo ay Waddooyin Dhisan Karno” Wasiirka Gaadiidka

0
493

Hargeysa (Dawan)- Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdillaahi Abokor Cismaan, ayaa kormeer ku maray dhismaha waddada isku xidhaysa Caasimadda Hargeysa iyo magaalada Balli-gubadle ee xarunta Gobolka Hawd.

Weftiga Wasiirka ee kormeerka u baxay shalay (dorraad) oo ay wehelinayeen Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Madaxda Hay’adda Waddooyinka Somaliland, Maamulka Gobolka Hawd iyo Degmada Balli-gubadle, Guddida gacanta ku haysa dhismaha waddadan, qurbo-joog, ganacsato iyo siyaasiyiin kale, iyagoo soo indho-indheeyey qaybaha dhismuhu ka socdo waddadan oo dhererkeedu dhan yahay 64km.

Sheekh Mubaarig Muuse Faarax iyo Maxamed Nuux Jibriil oo ka mid ah Guddida gacanta ku haysa dhismaha jidka isku xidhaya Caasimadda Hargeysa iyo magaalada Balli-gubadle oo halkaas hadallo ka jeediyey, ayaa ka xog-waramay halka uu marayo dhismaha jidkaasi, iyagoo xusay in waddadaasi ay muhiim u tahay horumarka dhaqaalaha iyo isku-xidhka Caasimadda Hargeysa iyo degaannada ku yaal dhinaca hawdka Somaliland ilaa bariga dalka Itoobiya, waxayna tilmaameen inay dhismaha waddadan la kaashanayaan bulshada degaanka iyo dowladda Somaliland.

Masuul ka socday Ururka la yidhaahdo Gurmad Relief oo halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay urur ahaan si weyn uga qaybqaateen dhismaha waddada Hargeysa ilaa Ball-gubadle, isla markaana ay ilaa hadda geliyeen lacag dhan $130 kun oo doollar, isla markaana ay hadda diyaar u yihiin inay ka sii qaybqaataan waddadan ilaa inta laga dhammaystirayo.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay xubno isugu jiray qurbo-joog, ganacsato iyo siyaasiyiin kala duwan, kuwaasoo dhammaantoodba bulshada ugu baaqay in dhexda loo xidho sidii loo dhammaystiri lahaa waddada u dhexaysay Hargeysa iyo Balli-gubadle oo dhererkeedu dhan yahay 64km, halka sidoo kale ay dowladda Somaliland ka codsadeen inay sii labanlaabto dedaalka loogu jiro dhammaystirka waddadaas oo ay xuseen inay tahay mid muhiim ah oo Somaliland ku xidhay degaannada bariga dalka Itoobiya.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi hadal ka jeediyay Badhasaabka Gobolka Hawd Md. Yaasiin Maxamuud Shide iyo Maayirka magaalada Balli-gubadle Md. Cabdi Iimaan Jaamac kuwaasi oo sheegay in dhismaha iyo dhammaystirka jidadkani uu u baahan yahay in laga wada qaybqaato.

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland Md. Cabdillaahi Abokor Cismaan oo ugu dambayntii halkaas hadal ka jeediyey, ayaa sheegay inay Wasaarad ahaan ku faraxsan yihiin dhismaha waddada isku xidhaysa Hargeysa iyo Balli-gubadle, isagoo xusay in waddooyinku yihiin waxyaabaha ugu adag ee dhismahooda laga shaqeeyo.

“Runtii anaga waa noo farxad in aannu nimaadno munaasibad noocan oo kale ah, markaa waxa aan jecelahayba arrintani waa shaqo socota, waxa la qabtana waxa ugu adag waa waddooyinka, balse waxa aynu nahay bulsho ku fiican isku-tashiga oo anigu maan arag caalamka ama Soomaalida bulsho runtii tidhaahda; ‘waddo ayaannu dhisaynaa.’ Sababtoo ah waddado waa kaabayaasha dhismahoodu ugu adag yahay oo mar waxa la odhan jiray; ‘dowlad shidaal leh ayuun baa waddo dhisan karta ama dowlad ay caawiso.’ Laakiin Somaliland waxay tustay caalamka in aynu innagu wax qabsan karno oo waddooyin dhisan karno,” ayuu yidhi Wasiir Cabdillaahi Abokor.

Waxaannu intaas ku daray; “Waxa kaloo sharaf idiin ah oo aan jecelahay in aan idinku ammaano, idinkuna bogaadiyo in afarta waddo ee ka socda Hargeysa, waxay waddadani ahayd waddadii ugu dambaysay ee la bilaabay, anagu Wasaarad ahaanna waxa aannu ognahay inay tahay waddada ugu dedaalka badan leh.”

 

Leave a Reply