Sweden: Somaliland oo Lagu Ammanay In ay Dalal Badan Kaga Horrayso Horumarinta Badda

0
500

Danjire Sakariye oo ka Hadlay Mashruuc Midawga Yurub Maalgaliyay oo Somaliland ku soo jeediyay indhaha Caalamka

 

Qore Faysal Xiis Afgaab

Sweden (Dawan):- Jamhuuriyadda Somaliland ayaa lagu ammaanay sida ay u hir gelisay mashruuca illaalinta dhaqashada kalluunka iyo dhawrista deegaanka badaha ee ka caaggan kalluumaysiga. Iyada oo ay Somaliland mashruucaasi ka hir gelisay boqolkiiba shan iyo soddon baddeeda. Halkaasi oo lagu dhaqo kalluunka noocyadiisa kala duwan iyo noocyada cuntooyinka uu ku noolaado.

Mashruucan oo dhawaan Midawga Yurub uu soo saaray, isla markaana dalalka caalamka uu ugu baaqay in ay badahooda boqolkiiba soddon iyo shan ka dhigaan goobo ka caaggan kalluumaysiga, ayaa Somaliland si deg deg ah uga hir galay Jamhuuriyadda Somaliland, ka dib markii ay xukuumadda xil wayn iska saartay, taas oo Madaxweynaha qaranka Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi uu ka dhigay qorshaha horumarinta baddaha Somaliland in ay qayb wayn ka tahay ilaalinta deeaanka badaha iyo dhaqista kalluunka.

Tilifishanka ugu wayn dalka Sweden ee lagu magacaabo SVT-tv oo warbixin dheer ka diyaariyay sida Somaliland u hirgelisya deegaannada badda ee ka caaggan kalluumaysiga iyo ka faa’iidaysiga mashruuca Midawga Yurub uu maal gelinayo oo wajigiisa koobaad lagu qabtay dalka Sweden, isla markaana ay ka qayb galeen wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Safiirka Somaliland u jooga dalka Sweden Danjire Sakariye Xasan Wacays oo hirgelinta mashruucaa Madaxweynaha Somaliland uga wakiil ah.

Halka wajigiisa labaadna lagu qabtay Somaliland, isla markaana madax sare oo ka socday Midawga Yurub iyo wariyeyaal ka tirsan SVT-tv, ay socdaal ku tageen Berbera kana diyaariyeen warbixinno ka hadlaya sida Somaliland badeheeda uga hir gelisay mashruuca illaalinta badda deegaanada ka caaggan kalluumaysiga iyo dhaqashada kalluunka, ayaa lagu sheegay in Somaliland dalal badan oo qaaradda Afrika ah in ay kaga horrayso mashruuca daryeelka deegaanka badaha.

Safiirka Somaliland u jooga dalka Sweden Danjire Sakariye Xasan Wacays oo ka hadlayay ahmiyadda mashruucaasi uu u leeyahay Somaliland iyo siduu indhaha caalamka ugu soo jeedin karo Somaliland, ayaa sheegay in mashruucaas oo hirgelintiisa ay ka wada shaqaynayaan Midawga Yurub iyo xukuumadda Somaliland isla markaana tababarro lagu siinayo ciidanka badda Somaliland laguna qalabaynayo, ayaa sheegay in mashruucaas iyo tallaabooyin badan oo ay xukuumadda Somaliland qaadday in ay sabab u noqonayaan in albaabo badan oo caalamka ahi in ay Somaliland u furmaan, isla markaana iyadoo imikba Somaliland caalamku ula dhaqmo sidii dal madaxbannaan in ay taasi horseedi doonto aqoonsi caalami ah oo caalamka ay ka hesho Somaaliland sida ay warbixinta ku tebiyeen tilifishanno badan oo ka jira dalk Sweden.

Danjiraha Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Sweden Sakariye Xasan Wacays ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay qaaday tallaabooyin diblumaasiyadeed oo wax ku ool ah, waxaanu si wayn u soo jiitay xisbi siyaasadeedka dalkaasi ugu wayn, kaasi oo hadda si wayn u xiisaynaya qaddiyada Jamhuuriyadda Somaliland, sidoo kale waxa uu guud ahaan indhaha siyaasiyiinta iyo diblumaasiyiinta qaaradda Yurub ku soo jeedi qadiyadda Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Leave a Reply