Cabdirashiid Riyo Raac oo Ballan Qaaday in ay Caddaalad ku Shaqaynayaan

0
498

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Cabdirashiid Maxamed Cali Riyo Raac oo ka mid ah lixda xubnood ee shalay golaha wakiiladda Somaliland u ansixiyeen in ay noqdaan gudida doorashooyinka qaranka Somaliland, ayaa bulshada Somaliland u ballan qaaday in ay ku shaqayn doonaan caaddaalad iyo sinnaan isla markana ay ku sugnaan doonaan dhaarta Kitaabka ALLE ee la marin doono.

Ugu horrayn isagoo ka hadlayay siduu u arko ansixinta golaha wakiiladdu cod aqlabiyad ah ku ansixiyay lixda xubnood ee gudida doorashooyinka qaranka ee uu xubinta ka yahay,ayaa yidhi. “Dareenkeygu wuu fiican yahay xil Qaran oo culus ayaa maanta(shalay) naloo ansixiyay ILLAAHEY-baanu ugu mahad naqeynaa golaha wakiiladda ee waajibaadkooda gutayna waanu u mahad celineyna”

Komishaneer Cabdirashiid Riya-raac oo ka hadlayay siday u shaqayn doonaan iyo xil gudashada waajibaadka qaran ee laga sugayo,ayaa yidhi. “Sharci ayuu waddanku ku kala socda, sharciyadiina waa la imariyay, tii ILLAAHEY-na waa la imarinaya oo waala i dhaarinayaa waxaanan ugu bushaareynaya umadda Dhaartaasi ayaan ku sugnaanayaa wixii xaq ahna si caddaalad ah ayaanu u qabaneynaa haddii ILLAAHEY yidhaaho, aniga iguma xidhna doorashooyinku wixii la keeno ayuunbaanu anagu kari karnaa”

Leave a Reply