“Golaha Wakiiladdu ma Raaco Heshiisyada ay Galaan Xisbiyadu ee Waxa uu Raacaa Sharciga Dalka u Yaalla.” Xildhibaan Siciid Cilmi Roobe

0
411

Qore Khadar M. Dhako

Hargaysa (Dawan):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble ayaa sheegay in golaha wakiiladda Somaliland aanay raacin waxay ku heshiiyaan xisbiyada qaranku, laakiin ay ku dhaqmaan isla markaana tallaabo kasta oo golaha wakiiladdu ay qaadayaan ay u raacaan sharciga dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Siciid Cilmi Rooble oo rimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Run ahaantii Golaha Wakiiladu Dastuurka ayuu ku joogaa, Waxaanan joogaa 23 sannadood Golaha Wakiilada, waxaanu Dastuurku odhanayaa marka la doorto Gole cusub ayaa Golaha Wakiilada ku raasta bannaynayaan, dadkeenu waxaanay kala aqoon Sharcigii iyo huu-haada suuqa, Golaha Wakiiladu ma raaco heshiisyada ay galaan Xisbiyadu ee waxa aanu raacnaa Sharciyada dalka u yaalla,”.

Xildhibaanka oo ka hadlayay lixda xubnood ee gudida doorashooyinka ee uu shalay golaha wakiilada Somaliland ansixiyay ayaa yidhi. “Waxa Golaha Wakiiladu uu ansixiyay lix Xubnood oo ka mid ah xubnaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka xubintii Xisbiga WADDANI way ka maqnayd, waana arrin hore inoo soo martay in lix xubnood la ansixo Golaha Wakiilada waagii Daahir Riyaale Kaahin Madaxweynaha ahaa inantii Ilhaan ayuu soo Magacaabay Xisbiga KULMIYE oo wakhtigaa Mucaaradka ahaa, xiligaa Daahir Riyaale wuu soo celiyay xubintaa KULMIYE soo Magacaabay, lixdii Xubood ee kale toos ayaa loo ansixiyay, waxaana aan rejaynayaa in Xisbiga WADDANI iska soo celin doonaan Xubintoodaa Komishanka Doorashooyinka lixda Xubnood ee kale Shaqadii way la wareegi karaan.”

 

Leave a Reply