Golaha Wakiiladda oo Ansixiyey Xubnaha Cusbaa ee Guddida Doorashooyinka Qaranka

0
474

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan):- Mudanayaasha golaha wakiiladda Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa ansixiyey lix xubnood oo ka mid ah gudida doorashooyinka Qaranka Somaliland, kadib markii uu xisbiga WADDANI hore u shaaciyay inuu hakiyay xubintiisii gudida cusub ee doorashooyinka u mateli laheyd.

Fadhigii shalay ee golaha wakiiladda oo uu shir-guddoominayay gudoomiyaha golaha wakiiladda mudane Baashe Maxamed Faarax oo ay ka soo xaadireen 65-mudane ayuu golaha ka codsaday in ay xubin xubin ugu codeeyaan.

Xughayaha guud ee golaha wakiiladda Cabdirisaaq Siciid Ayaanle ayaa mid mid golaha uga hor akhriyay maraaxilkiisi waxbarasho iyo taariikhdooda shaqsiga ah.

Guddoomiyaha golaha wakiiladda Somaliland mudane Baashe Maxamed Faarax ayaa ku dhawaaqay natiijooyinkaa xubnaha cusub ee gudida doorashooyinka waxaanu yidhi “Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) waxaa ogolaaday 50-mudane, 12-mudane ayaa diiday, 1-mudanena wuu ka aamusay, sidaasi ayuu ansax ku yahay, Maxamuud Daahir Jaamac waxaa ogolaaday, 55-mudane, 5-mudane ayaa diiday, 4-mudanena way ay ka aamuseen, guddoomiyuhuna mu codeyn sidaasi ayuu ansax ku yahay, Mustafe Maxamed Daahir waxaa ogolaaday, 58-mudane, waxaa diiday 4-mudane, waxaa ka aamusay 2 mudane guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayuu ansax ku yahay, Kaltuun Xasan Cabdi waxaa ogolaaday 55-mudane, 8-mudane ayaa diiday 1-mudane ayaa ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayuu ansax ku yahay, Cabdiraxmaan Maxamed Ismaaciil (Dixood) waxaa ogolaaday 58 mudane, cid diiday ma jirto, 6-mudanena way ka aamuseen, gudoomiyuhuna muu codeyn, sidaasi ayuu ansax ku yahay, Maxamuud Siciid Dalmar goobta kamuu soo xaadirin, Xasan Yuusuf Ducaale waxaa ogolaaday 58-mudane, waxaa diiday 1-mudane, waxaa ka aamusay 5-mudane guddoomiyuhuna muu codeyn, sidaas ayuu ansax ku yahay.”

 

 

Leave a Reply