Is Weydiintu Waa Furaha Guusha

0
786

Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa bilowday dorraad shir la xidhiidha dib u eegista waxbarashada qaranka, kaasi oo lagu lafa gureyo heerarka kala duwan ee waxbarashada Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici ayaa shirkan furey, waxaana ka qaybgalay masuuliyiin kala duwan oo ka kala socday Wasaaradaha Qorshaynta iyo horumarinta qaranka, wasaarada shaqo gelinta iyo Arrimaha Bulshada iyo qaar ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah.

Markii warka shirkani baahay, waxaa soo baxay dad ka soo horjeedda oo naqdiyay waxbarashadeena guud ahaanba, iyagga oo u arkay sidda hadalkooda ka muuqata shay aan loo baahnayn, maadaama waa sidda ay haddalka u dhigeenne aan lagu shaqeyn karrin. Dadkaas waxaa ka mid ah nin oday ah oo isaggu had iyo jeer dhinaca Taban wax ka eegga ee aan dhinac sanba loogu soo dhiibin. Wuxuu yidhi isaga oo is carab tiraya. “Dalkeenna haddii warshadaha dunida iyo shirkadaha waxsoosaarku soo degi lahaayeen, iyaga oo sida lagu yaqaan u xilanaya xoogsato dunida dheregtay ka jaban iyo cashuur ka yar, innaga heli maayaan hal qof oo farsamada iyo aqoonta casriga ah u gu shaqayn kara.”

Goorma ayuu qiimeynta uu xukunka intaas leeg (Hal-qof laga heli maayo dalka dhan) sameeyay.? Haddii aanu sameyn cilmi baadhis, sidee ku ogaaday?

Intaas kuma uu hadhinn’e waxaa uu ku darray oo yidhi. “Markaa wayddiintu wax ay tahay, dadka maxaa la baraa oo cimriga la gaga lumiyaa? Yaa hindisay fikirka sheyddaan ee ah in carruurta la baro wax aan loo baahnayn, oo aan la barin waxii loo baahnaa?”

Waxaa loo baahan yahay waxaa uu ku sheegay farsamooyinka casriga ah oo aanu faahfaahin nooca ay yihiin. Si kasta ha ahaatee, waxaa qormaddan uga dan leenahay inaynu si guud u iftiimino in hubsiimaddu muhiim tahay oo aanay inagga noqon wax kasta wax ka sheeg sida Odaygan. Sababta oo ah. Ujeedka shirkuba, waa in la is weydiiyo, qabyadda jirta ee dhinaca waxbarashadda guud ahaan. Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda ayaana taas cadeeyay oo khudbaddii uu ka jeediyay madasha ku furay “Waxaa maanta (Shalay) runtii farxad weyn ii ah inaan ka Soo qeyb galo Barnaamijka Dibu-eegista Wasaaradda Waxbarashada ee sannad walba dib loogu eego halkay marayso, Tacliintu waxaa ay runtii laf-dhabar u tahay ummadd kasta oo jirta.”

Marka ay sidaas tahay, qofka dhaliilaya in la is weydiiyo wax khaldan, muxuu doonayaa, haddii uu og yahay meel u baahan in la toosiyo, sow kuma ay filayn in uu farta ku fiiqo, illeyn sidda haddaba farriintiisa Qallinku uga jawaabayo ayuun baa loo xusuusan lahaaye.

Waxaa aynu ku soo koobaynaa, haddalka Madaxweyne ku xigeenka ee ah, “Waxaa ka mid ah waxyaabaha waxbarashadu kor ugu soo kacdo, Dawlad na keligeed waxba ma qaban karto, wasaaradna keligeed waxba ma qaban karto, Macalina keligii waxba ma qaban karo haddaanu waalidku dhiniciisa kala soconin waxbarashadii” sidaas darteed, intii aad dhaliil lahayd toosi.

Ogowna, Is weydiintu waa furaha guusha’e.

 

 

Leave a Reply