Madaxweyne Ku Xigeenka oo Xadhiga Ka Jaray Mashruuca Biyo Gelinta Degmada Dila

0
491

Boorama (Dawan): Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland ayaa shalay xadhiga ka jaray Biyo gelin lagu sameeyey degmadda Dila ee gobolka Awdal oo ay fulisay hay’adda Welt Hunger Hilfe (WHH) oo laga leeyahay waddanka Jarmalka.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), iyo wefti uu hogaaminayo ayaa shalay u baxay gobolka Awdal oo ay ugu baxeen sidii ay xadhiga uga soo jari lahaayeen mashaariic laga hirgeliyay.

Halkaasoo si balaadhan loogu soo dhaweeyay madaxweyne ku xigeenka iyo weftigiisa. Waxaana wehelinayay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Saleebaan Cali Koore, Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga Warshadaha iyo Dalxiiska Maxamuud Xasan Sacad (Saajin), Afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame Jaamac.

Mashuucan oo muddo badan soo socday ayaa waxa uu hadda noqday mid dhamaaday islamarkaana si toosa ay biyuhu usoo gaadheen Magaalada iyo Tuulooyinka ay maamusho,

Waxaanay hay’addu shalay ku wareejiysay maamulka biyahaasi Wasaaradda Horumarinta Biyaha oo iyaduna kala wareegtay.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo hadal ka jeediyay munaasibad loo sameeyey xadhiga ka jarista mashruucaasi ayaa wax lagu farxo ku tilmaamay mashruuca biyo gelinta loogu sameeyay magaaladda Dilla.

Waxaanu yidhi, “ILLAAHAY SWT baan ugu mahad naqaynaa maanta (shalay) in aan halkan isugu nimaadno. Innagoo caafimaad qabna, isla markaana u dabaal degayna biyo gelintii degmada Dila iyo nawaaxigeeda, oo muddo badan sida la wada sheegay aad loo sugayay inta bada-na lagu dedaalayay sidii biyo loo geli lahaa.

Laakiin, se abuurka dhulka dhibaato badan lagala kulmay oo qayb ka qaadatay dib u dhaca biyaha Dila”.

C/raxmaan Saylici, oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Horumarkii waxaa mar walba inaga jeedinaya buuqyadaa dadkeenii iyo deeganadii. Maalin walba waxaan macno lahayn isku haystaan, innaga-na waxbaa la inaga sheeg-sheegayaa, annigu ku dheeraan maayo oo wasiirradii iga horeeyay baa ka hadlay.

Boorama maanta waxaan belaayo ahayn oo ka maqani ma jirto, magaalo la wada majeeranayo Somaliland iska daayoo deegaamadii Soomaalida oo dhami isha ku soo hayaan weeyaan. Markaa caqligu inuu shaqeeyo ayaa loo baahan yahay.

Ugu danbayntiina madaxweynuhu waxa uu Shahaado sharafyo gudoonsiiyay dadkii ugu mudnaa ee ka shaqeeyay mashruucaasi sidii uu u hirgeli lahaa.

Waxaanu Bulshada reer Dila kula dar-daarmay inay ilaashadaan mashruucaasi lacagta badani ku baxday, isla markaana ay wakhtiga badan u soo sabrayeen.

Leave a Reply