Guddoomiyaha Hay’adda Barakacayaasha iyo Arrimaha Qaxoontiga oo Socdaal Shaqo Ku Jooga Dalka Jabuuti

0
454

Jabuuti(Dawan):- Guddoomiyaha Hay’adda barakacayaasha iyo arrimaha qaxoontiga Somaliland Cabdikariin Aadan Xinnif,ayaa socdaal shaqo ku tegay dalk Jamhuuriyadda Jabuuti.

Guddoomiye Xinnif oo uu weheliyo Safiirka Somaliland u jooga dalka Jabuuti Cabdifataax Siciid Axmed,ayaa kulan la qaatay wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dalka Jabuuti oo ku qaabilay xafiiska hay’adda qaxoontiga ee dalka Jabuuti.

Kulanka guddoomiye Xinnif iyo wasiirka arrimaha gudaha Jabuuti,ayaa lagaga wada hadlay arrimo la xidhiidha qaxoontiga reer Somaliland ee ku sugan dalka Jabuuti iyo sidii loo soo celin lahaa.

Qaxoontiga reer Somaliland ee ku sugan dalka Jabuuti oo tegay dalkaas una qaxay xilligii maamulkii kelidii taliye Siyaad Barre dalkii la isku odhan jiray Soomaaliweyn uu ka talinayay isla markaana lagu gudo jiray dagaalkii dib loogu xoraynayay Somaliland.

Haddaba warkaas oo faah  faahsan halkan ka daawo.

Leave a Reply