Xildhibaan Balaaki oo Jiritaanka Xisbiyada Mucaaridka Shuruud Sharci ku Xidhay

0
448

Hargeysa(Dawan):- Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige (Balaaki) oo ka tirsan mudaneyaasha golaha wakiiladda Somaliland,ayaa sheegay in xisbiyada mucaaridku ay sharci ku noqdeen xeerarka uu dejiyay golaha wakiiladda Somaliland isla markaana golaha wakiilada wixii ka soo baxa ee sharci ah haddii ay u hoggaansami waayan in sharcinima asxaabta mucaaridku ay noqonayso mid aan jirin.

Waxaanu intaa raaciyay in xubnaha gudida doorashooyinka ee golaha wakiiladu ay ansixiyeen ay u codeeyeen xildhibaanada sadexda Xisbiba oo mudaneyaasha xisbiyada mucaaridku ay ka mid ahaayeen xildhibaanada u codeeyay xubnaha gudida doorashooyinka.

Waxaanu intaa ku daray ciddii diidda hay’adda sharci dejinta codayn sharci ah oo ka soo baxday in ay tahay cid diiddan in dalka sharciyad lagu dhaqo taa bedelkeedana wuxuu sheegay,hadii ay ka noqon waayn sharci jebinta xisbiyada mucaaridku in ay mooshin ay xisbinimada ku waayaan golaha hor keeni doonaan.

Haddaba warkaas oo muuqaal h halkan ka daawo.

Leave a Reply