Xildhibaan Soomaaliya ah oo Caddeeyay Dagaallo Qorshaysan oo Xukuumdda Farmaajo Ku Soo Qaadday Somaliland oo ay ka Bilawday Gobolka Awdal

0
460

Muqdisho(Dawan):- Xildhibaan  ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Xukuumdda Maadaxweynaha caalamku waar diyeeyo ee Soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo in uu duullaan ku qaaday Somaliland isla markaana  lacag badan ku bixiyay sidii uu iskaga hor keeni lahaa dawladda Somaliland iyo dadkeeda.

Cabdi Barre Yuusuf oo ah Xildhibaan hore oo ka tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya ayaa intaa ku daray in dhaqdhaqaaqyo  coladeed iyo abuurista jabhad lid ku ah Somaliland in uu ka bilaaay gobolka Awdal,taasoo uu sheegay in uu ku doonayo in uu waxyeello u geysto nabadda iyo xasiloonida Somaliland isagoo adeegsanaya dad  aan xil kas ahayn oo uu doonayo in u ku fushado ujeedooyinkiisa alidka ku ah qaranka Somaliland

“Dad degaanka galkeedka Somaliland  ah ayey dowladda Madxweyne Farmaajo lacag siiyay si Somaliland  looga abuuro xoogag hubeysan oo dowladda ka soo horjeeda waanay bilaawday dhaq dhaqaaqaasi” ayuu yidhi Cabdi Barre Yuuusf oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaanu intaa ku daray in ay hayaan caddaymo buuxa oo ay ku xaqiijinayaan in dawladda Madaxweyne Farmaajo ku fooggan tahay colaad ay ka dhex riddo Somaliland iyadoo lacag badan ku bixinaysa in ay u hir gasho in ay waxyeello u geysato xasiloonida iyo nabad gelyada Somaliland.

Waxaa kale oo uu intaa raaciyay in ay dawladda Farmaajo madaxda ka yahay ku hawlan tahay qalalaasaha siyaasadeed iyo dagaalka ka socda gudaha maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland.

Waxaa kale ooh ore u jiray siyaasiyiin u dhashay Soomaaliya oo sheegay in Farmaajo iyo maamulkiisu ku hawlan yihiin daadinta dhiig badan iyo hurinta colaad ay ka dhex abuuraan Somaliland.

Haddaba waxaa la gudboon shacabka Somaliland in ay ogaadaan hadalada ka soo yeedhaya dadka colaadda u durbaan tumaya ee You tube-yada wax soo gelinayaa in ay ka mid yihiin qorsheyaasha Farmaajaysan ee lidka ku ah Somaliland isla markaana hadalada colaad hurinta ah iyo falalka nabad gelyada ka dhanka ah ee lagu sheegayo meelaha qaar in aanay ahayn,wax ku yimi tabasho ka dhex jirta Somaliland laakiin ay yihiin shir qoollo uu soo maleegay cadawga Somaliland.

Kuna doonayo in uu ku waxyeeleeyo nabad gelyada iyo horumarka qaranka Somaliland ee 29 sano ku gaadhay halka ay maanta joogaan wada tashi isu tanaasul iyo iskaashiga walaalnime ee umadda qaranka Somaliland ay wadaagaan.

Leave a Reply