BURCO: Mashaariic iyo Gaadiid ay soo Kordhisay Wakaalada Biyahu oo Xadhiga laga Jaray

0
608

Qore: Xabiib Cigge:

Burco (Dawan):-Wasiirka horumarinta Khayraatka Biyaha jamhuuriyada Somaliland mud: Saleebaan Cali Kooreoo kusugan magaalada Burco ayaa xadhiga ka jaray mashaariic waaweyn oo ay soo kordhisay Wakaalada Biyaha Burco,
Wakaalada Biyaha Burco ayaa soo iibsatay gaadiid isugu jira cagaf,gaadiid yar yar, mishiino Beebab iyo qalab kale oo badan, kuwaas oo lagu qaban doono shaqada balaadhan ee ay wakaaladu uhayso bulshada,
munaasibad xadhiga lagaga jaraayay qalabkan iyo gaadiidkan ayaa waxa kasoo qayb galay wasiirka biyaha saleebaan cali koore, gudoomiyaha Banka dhexe baqdaadi oo Baanku uu sii amaahiyay kharashka lagu soo iibiyay qalabkani,gudoomiyaha hayada dhawristya tayada somaliland Muuse xasan yuusuf, maayirka degmada Burco maxamed muraad iyo masuuliyiin kale.

Maareeyaha Wakaalada Biyaha Burco Cabdixakiim maxamed Maxamuudiyo maareeye kuxigeenka wakaalada Sakariye Lumumbe ayaa ka warbixiyay qalabka iyo gaadiidkan ay kusoo kordhiyeen Wakaalada “halkan waxa yaala qalab kala duwan oo uu Bangigu wakaalada hore ugu mariyay inuu lacagta kasii bixiyo, lacagtaas waxaanu soo siisanay qalabkaas oo ka kooba 1936 xabo (kun iyo sagaal boqol iyo lix iyo sodon xabo oo Beeba), 3 mishiin oo waaweyn, 3 bum, cagaf iyo 2 gaadhi oo Probox oo aan ugu talo galay in biilasha, waxa kale oo saaka noo diyara oo halkan nooga dhagaxdhigaysaan sadex qol oo aanu ugu talo galnay farsamada, waxa kale xadhiga ka jari doonaa ceel biyood dayacnaa oo aan dibu habayn ku samaynay” Sida waxa yidhi Maareeye cabdixakiin.
“mudane wasiir halkan waxa la dhaha ceel sideedaad wuxuu ahaa ceelasha biyaha burco laga cabo ka ugu macaan waxaanu qodnaa 160 mitir, ceelkaasi nasiib daro wuu naga dumay laakiin maanta waxanu halkan ujoognaa inaanu ceel cusub ka dhagax dhigno” Mareye xigenka Sakariye.

Duqa degmada Burco Maxamed Yuusuf Muraadoo isna halkaas ka hadlay ayaa ku amaanay wasiirka Biyaha Saleebaan Cali Koore dedaala uu ugu jiro horumarinta Biyaha “wasiirku wuu shaqaynayaa aadbuu ushaqaynayaa ceelal badan iyo dedeaal badan buu keenay isagana waan umahadnaqaynaa,dhalinyaradan wakaaladu shaqadoodiibay kasoo baxeen qofku marku shaqadiisa kasoo baxana waa la mahadiyaa” maayir Muraad.
Badhasaab kuxigeenka Gobolka Togdheer ahna kusimaha gudoomiya Gobolka Maxamed Cabdilaahi Nafaqo ayaa ku amaanay Maareeyaha iyo maareeye kuxigeenka wakaalada Burco waxqabadka ay muujiyeen intii ay xafiiska Joogeen . “waxaan umahadcelinayaa Maareeyaha, maareeye kuxigeenka iyo shaqalaha kale ee wakaalada oo runtii udhabar adaygay iyo firfitcooni dheeri ah iyo horumar badan la taaban karoruntii kusoo kordhiyay wakaalada”
Wasiirka wasaarada Horumarinta khayraatka Biyaha Somaliland mud: Saleebaan Cali Koore oo xadhiga ka jaray mashaariicdan ayaa sheegay inay gudanayaan waajibaadka ay bulshada uhayso, waxaanu wasiirku ka markhaati kacay waxqabadka ay muujiyeen masuuliyiinta wakaalada Biyaha Burco iyo shaqaalahoodu, ” waxaan halkan ku amaanayaa Maareeyaha oo ah nin Vision (Aragti) leh iyo Maareeye kuxigeenka iyo shaqaalaha wakaalada oo la,aantood hawshani dhacdeen,hawshaas iyaga anaga iyo gudoomiyaha Baankaba noola yimi,mashaariic badan bay wakaaladu dhaqaajinaysaa, maareeye hore ayaa wakaalada soo maray oo wax qabtay, waa laga baqayay inaywakaaladu dib unoqoto oo maareeyihii hore loo darsado laakiin maanta waxaanu ka markhaati kacaynaa inay horey uga socotay”

Gebebadiina Wasiir Saleebaan Cali Koore waxa uu xadhiga ka jaray ceel biyood cusub oo dibu habayn lagu sameeyay, sidoo kalena mid cusub ayuu dhagax dhigay, waxaana ugu danbayntii waftiga wasiirkubooqdeen Kaamka Barakacayaasha Alla-aamin oo ku yaala duleedka Burco, kaamkaas oo ay ku nool yihiin Dad danyara ayaywakaaladu gaadhsiisay Biyaha Oo usamaysay Biyo gelin.

 

 

 

 

Leave a Reply