“Qarankan Qori Lagama Ogolaanayo Laakiin Wixii Tabasho Ah Waxbaanu ka Qabanaynaa” Madaxweyne ku xigeenka

0
487

Boorama(Dawan):-Madaxweyne ku xigeenk Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, iyo wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa socdaal shaqo ku tegay xarunta gobolka Awdal ee Boraama.

Madaxweyne ku xigeenka iy weftigiisa ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Goraya Cawl,halkaas oo ay kaga hor yimaadeen wasiirro hore usii joogay Boorama, madaxdhaqameedka gobolka Awdal madaxda heer gobol iyo degmo ee Gobolka Awdal iyo degmada Boorama.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa uga mahad naqay sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay degmada Dila iyo Goraya Cawl, waxaanu intaa ku daray in xukuumaddu ay diyaar u tahay in ay dhegaysato wixii tabasho ah cid kasta oo qabta.

Waxaanu hoosta ka xariiqay in qaranka Somaliland aanu aqbalayn qori lagala hor yimaaddo,haddaba warkaas oo dhammaystiran halkan hoose ka daawo

 

 

Leave a Reply