Wax ka Baro Noocyada Kalluunka ee loo Yaqaan Galaaciifka

0
1004

Waa noocyada ugu waaweyn kalluunka badda, leh madax ballacsan iyo af ballaadhan oo leh miciyo dhaadheer, madaxa waxaa ka taagan ul dheer oo afka ku leh wax iftiima oo laydh la moodo, taasoo uu ku siro kalluunka yar yar si uu ugaadhsado.

Galaaciifka ayaa ah kalluun la yaab leh, culamada ayaa sheegay wax la mid ah illaa iyo hadda inaanay arag, gaar ahaan kuwooda lab iyagoo markay tarmayaan isku dhajiya mida dhedig dheganaansho uu quudanayo dhiigeeda, dhediga ayaa  leh dherer gaadhay laba mitir, iyo culeys 45 kg, iyadoo labku mar walba uu ka yar yahay dhediga.

kalluunka ayaa ah mid aad u khiyaamo badan, Galaaciifka ayaa madaxa wuxuu ku wataa ul dheer oo afka ku leh wax iftiima oo laydh la moodo, taasoo uu ku siro kalluunka yar yar si uu ugaadhsado, usha ayaa u eg maqaalinta lagu dabto kalluunka, afka hore waxaa ka laalaada wax iftiima taasoo ay ku soo yaacaan kalluunku, isagoo ka faa’iidaysta oo isla markaana afka weyn kala qaada isagoo si deg-deg leh u nuuga qadar weyn oo biyo ah taasoo u diida kalluunka yar yar awood ay kagabaxsadaan cuf jiidadkaas dhaqsaha leh  ama xoog ay uga dabaashaan,  ugaadhsiga ka dib wuxuu tagaa hoos wuxuuna isku tuuraa ciidda, isagoo qaybi muuqato qaybna ku aasa bacaad, weliba dabanaya wixii u soo dhawaada oo kalluun yar ah.

Kalluunka meelaha qabowga ah laga helo ee xeebaha waddamada qabaw waxay sinji ahaan ku baaluqaan cabbirka gaadhaya 35-60 sm waxayna tarmayaan inta u dhaxeysa December iyo January ilaa April.

Leave a Reply